Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wargelin Ka soo baxday Xafiiska Imtixamaadka Ee Dowlada Puntland.
    Somalia

    Wargelin Ka soo baxday Xafiiska Imtixamaadka Ee Dowlada Puntland.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wargalin Ka soo baxday Xafiiska Imtixamaadka ee Dowlada Puntland.

    Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa sannadkan bilaabaysa imtixaan laga qaadi doono ardayda ka hartay dugsiyda dhexe ee fasalka 8aad iyo dadka waaweyn oo waxbarshada ku jira sida gancasatada, hooyooyinka, xoogsatada iyo ciddii kale oo danaynaysa fursaddaan. Dadkan ayaa ay Wasaaraddu u diyaarinaysoaa in ay la galaan intixaanka shahaadiga ah fasalka 8aad, kadibna ay helaan shahaado ay ku gali karaan macaahiidda, dugsiyada sare dugsiyada Farsamada Gacantaba.

    Waxaa kale oo jiri doona mustaqbalka in laga qaadayo ardayda fasallada 6aad, 7aad 9aad, 10aad iyo 11aad imtixaan (MLA) loogu talagalay in lagu ogaado heerka fahanka ardayda kahor inta aysan qaadan imtixaanka heer qaran iyo sidii ardayda taageero gaar ah loo siinayo muddada ka hadhay sannad-dugsiyeedka. Sannad walbana waxaa la qorshaynaya in ugu yaraan labo fasal la hubiyo heerka aqoontooda.

    Sidoo kale waxaa la faraya Guddoomiyayaasha Waxbraashada gobollada in ay u soo gudbiyaan xafiiska imtixaanaadka natiijada imtixaanka teeramka 1aad sannadka 2022, ee fasallada 7aad iyo 11aad.

    Qorshaha 2022 ayaa waxaa lagu saleeyay baahida dhabta ah ee ka jirta dhanka waxbarashada, waxaana looga gol-leeyahay in la soo saaro muwaaddiniin ku gaashaaman aqoon, karti iyo anshax-wanaag ku sidkan muwaadinnimo iyo aragti wanaagsan.

    Si loo xaqiijiyo hiigsiga ama yoolka waxbarashada Puntland, waxaa lagamamaarmaan ah in heer gobol, heer degmo ilaa heer dugsi gacmaha la-is-qabsado oo dadka waxbarashada ka haray waqti kale la siiyo. Taasina waxa ay u baahantahay dadaal dheeraad ah oo ay la timaaddo bahda waxbarashadu, si aynu ugasoo baxno kaalinta inagaga aaddan hirgelinta qorshaha dalka iyo kan deegaanka labadaba.

    Haddaba, Guddoomiyeyaasha Waxbarashada iyo dwgmooyinkuba, iyaga oo kaashanaya shaqaalahooda iyo khibradaha ay haystaan, waa in ay dadkaa soo diiwaangeliyaan inta sannad-dugsiyeedka ka dhiman.

    1. Soo xaraynta dhammaan carruurta gaadhay da’da waxbarashada.
    2. Wacyigelinta bulshada iyo kor-u-qaadidda kaqaybgalka dadka ee waxbarashada.
    3. Tayaynta waxbarashada, iyaga oo la kaashanaya bahwadaagta.
    4. Yaraynta looxtuurka iyo xaddiga kucelinta.
    5. Dhiirrigelinta waxbarashada gabdhaha.
    6. Ka qaybgalinta waxbarashada dadka baahida gaarka ah qaba.
    7. Kor-u-qaadidda waxbarashada dadka waaweyn, iyada oo lala kaashanayo xafiiska Guddoonka Waxbarashada Gobollada.

    “Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa.”

    waxii faahfahin ah Telfoonadda Xafiiska Imtixamaadka ha kala soo xiriira..
    0907791810 iyo 0907743400.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.