Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Nabadaynta Gobolka Mudug
    Somalia

    Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Nabadaynta Gobolka Mudug

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 14, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 14 September 2024: Maanta oo ay taariikhdu tahay September 14, 2024, waxay Madaxweynaha Dowladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah u furey shirweynaha dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug.

    Shirka waxaa ka soo qayb galay Odeyaasha dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Dhallinyarada, Haweenka, Maamulka heer Gobol iyo degmo ee labada dhinac iyo xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Galmudug.

    Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug.

    Ugu danbayn waxaa shirka ka soo baxay war-murtiyeedkan hoos ku xusan;

    1. Shirku wuxuu soo jeediyey in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka beelaha Dir iyo Shiikhaal islamarkaana dhakhso loo furo wada-hadaladii nabadaynta ee labada beelood.

    2. Shirku wuxuu go’aamiyey in si deg deg ah dib loogu furo gogosha nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Leelkase.

    3. Shirku wuxuu bogaadiyey dhammaan dedaalladii looga shaqaynayey nabadaynta Gobolka Mudug.

    4. Shirku wuxuu garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug.

    5. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in ay Hay’adaha garsoorka ee labada maamul ka wada shaqeeyaan dhacdooyinka labada dhinac saameynaya.

    6. Si loo xoojiyo nabadda iyo badqabka muwaadinka, Shirku wuxuu soo jeediyey in wixii maanta ka danbeeya qofkii qof dila la horgeeyo ha’yadaha garsoorka si caaddaladda loo mariyo.

    7. Shirku wuxuu farayaa odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug in ay mudo 120 casho ah ku xalliyaan dhammaan kiisaskii hore u taagnaa ee caqabadda ku ahaa nabadda.

    8. Shirku wuxuu go’aamiyey in dib loo howlgeliyo lana tayeeyo Guddigii Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee ka shaqayn jirey nabadda Gobolka tiradoodana lagu soo koobo 30 xubnood, islamarkaana la dardargaliyo guddiyada kale ee Nabadda Gobolka Mudug.

    9. Shirku wuxuu go’aamiyey in la tayeeyo lana dardageliyo howlgaladii dhanka amniga ee ay wadeen ciidamadii isku-dhafka ah ee Gobolka Mudug.

    10. Shirku wuxuu go’aamiyey in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug.

    11. Shirku wuxuu u xilsaaray fullinta qodabada ka soo baxay shirka, Guddiga Amniga ee isku dhafka ah, Hay’adaha Amniga ee labada maamul iyo Guddigii Odayaasha dhaqanka labada dhinac ee ka shaqeeya nabadda Gobolka Mudug.

    War-murtiyeedka Shirka dardargelinta dedaallada nabadeynta Gobolka Mudug,waxaa madasha ka akhriyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, Mudane Maxamed Faarax Xuseyn (Talyaani)

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/09/An92mK0TFxmESsY_8kNRdNScW9SoKdvQoK0hwKFsi-iWbUEzDDdZm85v0OArk0vcjDLgB9XXsw5lyJ9bUvhRNVx1.mp4

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.