Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Arimaha dibada Maraykanka oo war kasoo saartay booqashada Victory ee Somaliya
    Somalia

    Wasaarada Arimaha dibada Maraykanka oo war kasoo saartay booqashada Victory ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 14, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ay ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasaddu inay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dawladda Maraykanku diyaarka ugu tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinaca ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

    “Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda.

    Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF, waxaana si weyn loo lafa-guray xaaladda abaaraha ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo weliba taageerada ay dawladda Maraykanku ka geysan karto arrintaas.

    “Victoria Nuland, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda u qaabilsan dhinaca siyaasaddu, waxay xustay in dawladda Maraykanku ay qorshaysay in si degdeg ah loo siiyo Soomaaliya cuntada loo baahan yahay, [taageerista] dedaalada lagaga hortegayo macaluusha, iyo gargaar kale oo bini’aadanimo kaas oo qayb ka ah gargaar bini’aadanimo oo cusub oo gaadhaya illaa $105 million oo dollar, kaas oo loogu talo galay gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.