Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Fadaraalka oo isku khilaaftay Gudi horay loogu muransanaa
    Somalia

    Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Fadaraalka oo isku khilaaftay Gudi horay loogu muransanaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 27, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya C/llaahi Bile Nuur ayaa ka hor yimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

    Qoraal uu Wasiir dowlaha uqoray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.

    Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xeerka uu Madaxweynaha saxiixay iyo kan uu Wasiirka tixraacay ay is diidan yihiin.

    Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xulida iyo magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ay door muhiim ku lahaadaan dowlad goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

    Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl galla dalka ayaa dhowaan cabasho ka keenay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu sameeyay Wasiirka inay hal shirkad u badan yihiin.

    Gudigan iyo xeerka isgaarsiinta qaran ee ay dhistay Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta Fadaraalka,ayaa markii horaba waxaa si xoog leh uga biyo diiday Wasaaradaha isgaarsiinta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

     

     

    Halkan hoose ka akhriso nuqulka qoraalka Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.