Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socotaa xaalja Wasaarada Caafimaadka Puntland??
    Somalia

    Maxaa kala socotaa xaalja Wasaarada Caafimaadka Puntland??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 13, 2022Updated:September 14, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaarada Caafimaadka waa mid ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan nidaamka Puntland.

    Wasaarada,waxaa hoos taga 750 -Qof oo Shaqaale ah oo udiwaangashan Dowlada helana bishii Mushahaar joogta ah oo udhaxeeya $80 ilaa $550.

    Sidoo kale 5024-Qof oo Mutadawiciin ah,ayaa hoostaga,kuwaasoo ay Mushahaarkooda bixiyaan Hay’adaha caalamiga ah oo ku Sidkan Mashaariicda ka socota guud ahaan Puntland.

    Wadarta Guud Wasaaradaas,waxaa hoostaga in ka badan 6000-Qof.

    Wasaaradu ma hesho kharashka ugu jira Miisaaniyada Dowlada,waxayna ku shaqaysaa Lacagaha uga yimaada Deeq bixiyayaasha,taasoo Sanadkii gaaraysa 2-3 Milion oo dolar.

    Isbitaalada waa weyn, kuwa yar-yar,Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka,Xarumaha nafaqada iyo Daryeelka hal mid oo ka mid ah Wasaaradu kuma bixiso kharash ay ka hesho Miisaaniyada Dowlada.

    Waxa ay ku shaqayso waa labo arimood oo kala ah..

    1.Mashaariic la hirgelinayo oo wakhti socda.
    2.Dhaqdhaqaaqyada Maalinlaha socda.

    Labadaas,waxaa lagu wadaa dhaqaalaha ka yimaada Deeq bixiyayaasha.

    Wasaaradu waxay leedahay Kayd Dawo oo Qiimo leh.

    Wasiiro kala duwan,ayaa soo hogaamiyay midka hada jooga waa kii ugu hogaan liitay markaan dabagalsy Shan sababood awgoodโ€ฆ

    1.Dadka iyo Dhulka makala yaqaan.

    2.Karti daro aad umuuqata.

    3.Awoodiisa Hogaaminta oo aanba gaarsiisnayn heer Wasiir.

    4.Danaynta Lacagta oo aad ugu badan.

    5.Lexjeclada Dalka iyo Dadka oo aad ugu yar.

    Tusaale”

    Agaasimaha Isbitaalka Mudug waa awoodi waayay in uu badalo Ninkii joogay,waxaana ku dhiiraday,isagoo maqan Wasiir ku xigeenka.

    Agaasimaha Isbitaalka Qardho oo uu badalay,waxaa toos ula soo hadlay M.Deni oo ku amray in uu ku celiyo,waana awoodi waayay in uu iska difaaco ilhaamaysigaas.

    Barnaamijka Damal ee Baanka Aduunku maalgelinayo lagana fulinayo Nugaal,waxuu uxayiran yahay oo laga sugayaa in uu badalo Isuduwaha Gobolka oo Weftigii Baanka Aduunku oo qiimayn ugu tagay ay soo gudbiyeen in uusan lahsyn awood uu ku maamulo Barnaamijkan balaaran.

    Agaasimaha Guud??

    Agaasimaha Guud Cabdirisaaq X.waa soo jireen ku noqday Wasaarada khabiir dhanka xun oo tababara Wasiir walba oo yimaada kana dhigta lahayste Qol ugu xiranโ€ฆ

    B.Waa musuqiiste aad udaran oo dhaqaale ka sameeyay Mashaariicda iyo dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah.

    T.Waa arxan laawe aan unaxariisan Shaqaalaha danyarta ah iyo Bulshada.

    J.Waa Nin aad u Lacag jecel.

    X.Waa Nin Gabdhaha shaqo raadiska ah ku ilhaamaysta awooda Agaasinka ee uu hayo.

    Tusaale”

    Bishii waxaa Wasaarada soo mara ilaa 30-dhaqdhaqaaq oo iskugu jira Siminaaro,Tababaro iyo hawl fulino kale,kuwaasoo ay ku baxdo Lacag dhan $100-kun,waxuuna kala haraa ilaa $15-kun.

    Matalan hadii layiraahdo tababar 4-beri ah hala fuliyo oo ay Lacagta bixinayso Save kuna soo qiimayso $7000 waa ku celinayaa,waxuuna leeyahay kuma filna ee $15000 kasoo dhiga inta dheeriga ah,wuxuu $2000 siinayaa Wasiirka,Agaasime Waaxeedyada qaarna $1500,ayuu uqaybinayaa.

    Arinta awood u adeegsashada Haweenka,waxaan la xiriiray ilaa Laba Gabdhood oo xataa ila wadaagay Codad ay ka duubeen balse iga cudurdaartay in aan si waadixa usoo xigto.

    Shaqalaha iyo Bulshada ku xiran Wasaarada,waxay ku leeyihiin waa Kansarka Wasaarada.

    Agaasimaha Caafimaadka Aas-aasiga ah??

    Agaasimaha Caafimaadka Aas-aasiga ah waa awooda 3-aad ee Wasaarada ka jirta,waxuuna joogaa meel muhiim ah oo Shaqo badan ka socoto.

    Cabdirisaaq Garweyne Dhaqaale badan,ayuu ka sameeyaa shaqada hoos timaada ee MCH iyo Talaalada.

    Markaan dabagalay Lacagtaas iyo siday uga baxdo waxaan ogaaday in uu aad wax usiiyo Haweenka Wasaarada kula jooga Mutadawiciinta isagana haday ugu badato $2000-$3000 ay ka raacdo Bishii.

    Shaqaalaha iyo Bulshada kale ee Wasaarada ku xiran waxay ii sheegeen in uu ixtiraam badan yahay,isla markaana Dadka wax ka taro Lacagtaas,iyadoo qaar badan ku leeyihiin waa siciimka Wasaarada.

    Agaasimaha M.iyo Maaliyada??

    Agaasimaha kale ee muhiimka ah,waa Maamulka iyo Maaliyada,waa Nin ku cusub shaqada jooga Sanad iyo bar kuna mashquulsanaa xagsashada booskiisa uu loolanka ugu adag uga imaanayay Agaasimaha guud.

    Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada waxa hada lagu amaani karo waa in uu Dawadii Wasaarada ka badbaadiyay Agaasimaha Guud maadaama isaga ay hoos imaanayso.

    Isku soo wada duuboo Wasaarada Caafimaadku waa Jamhuuriyad kale oo ubaahan hogaamiye sare oo leh Wadaniyad,karti iyo Daacadnimo.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.