Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Deegaanka oo dhagax dhigtay Biyo-xireen laga samaynayo Togga Dhoosaaley.
    Somalia

    Wasaarada Deegaanka oo dhagax dhigtay Biyo-xireen laga samaynayo Togga Dhoosaaley.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa dhagax dhigtay Biyo-xireen cusub oo ay wasaaradu ka samaynayso Togga Dhoosaaley gaar ahaana Deegaanka Beer-dhagaxtuur oo ka tirsan degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxaana dhagax dhiga Biyo-xireenkan ka qaybgalay madax katirsan Wasaarada Deegaanka, Maamulka gobolka Mudug, Maamulka degmada Xarfo, odayaasha Deegaanka iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada.

    Madaxda dhagax-dhigga togga u tagtay deegaanka Beer-dhagaxtuur ayaa ugu horayn la kulmay qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaankaas waxaana ay uga warbixiyeen marxaladihii uu soo maray Biyo-xireenka, habka ay tahay in looga faa’iidaysto iyo muhiimadu uu deegaanka u leeyahay Biyo-xireenka waxaana ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen biyo xireenka loo dhisayo iyagoo sheegay in ay dhibaato wayn ku qabaan biyaha oo xiliyada Jiilaalka yaraada ama mararka qaarkood laba-waayo, waxaana intaas kadib la tagay goobta laga dhagaxdhigayo biyoxireenkan cusub.

    Agaasimaha Qorshaynta ee wasaarada Deegaanka Liibaan Maxamed Faarax iyo Injineer Cabdiweli Yuusuf Aaden ayaa sheegey in Biyo-xireenkan uu qaban doono in kabadan 225,000 oo Fuusto xili walba kuwaas oo isugu jira Biyaha Roobka ee togga kusoo da’a iyo Biyaha ka da’a Meelo ka fog deegaanka oo uu Toggu soo qaadi doono taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay siyaasada Wasaarada Deegaanka ee ah in laga boxo biyo yarida islamarkaasna dadku ay faa’iidaystaan biyaha marwalba ka khasaara.

    Maamulka Degmada Xarfo iyo Cuqaasha deegaanka Beer-dhagaxtuur oo Iyana ka hadlay goobtaas ayaa sheegey inay soo dhawaynayaan in loo dhiso Biyo Xireenkan waxaana ay sheegeen inay kaa faa’iidaysan doonaan.

    Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif ayaa wasaarada Deegaanka DPL uga mahadceliyey biyo xireenka ay ka dhisayso deegaanka waxaana uu dadka deegaanka kula dardaarmay inay gacmo u noqdaan shaqadan adag isagoo sheegey in ay dadka deegaanka ka rajaynayaan inay ka fogaadaan khilaafaadka islamarkaasna ay ka faa’iidaystaan fursada ay heleen iyadoo uu xusay in biyo yaridu ay dhibaato wayn ku hayso Dadka iyo Duunyadaba wuxuunu ku booriyey dadka dhisaya Biyo Xireenkan inay si daacadnimo kujirto shaqadooda u gutaan.

    Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in ay wasaarada Deegaanku xooga saarayso islamarkaasna la tacaalayso Dhibaatooyinka dadka iyo duunyadaba ka haysta Biyo-Yarida waxaana uu sheegey in Biyo XIreenkan sidoo kale uu yeelan doono Darar Xoolaha iyo Duunyadu ka cabaan, Haan Kayd u noqonsa Biyaha iyo Soolar xoojiya Biyaha taas oo uu sheegey inay tahay faa’iido dheeri ah isagoo bulshadana ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Mashruucan oo faa’ido badan leh.

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.