Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda WFP oo isla qaatay Istaraatiijiyadda Quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe
    Puntland

    Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda WFP oo isla qaatay Istaraatiijiyadda Quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 18, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa la qaatay Hay’adda WFP shir ku saabsan dhaqan-gelinta Istaraatiijiyadda quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe ee Puntland.

    Istaraatiijiyaddan oo ay wadajir u fulinayaan Dowladda Puntland iyo Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ayaa loogu tala-galay in lagu dhiirri-geliyo Waxbarashada aas-aasiga ah, iyadoo la isku raacay in qorshahan cusub uu wax ka tari doono waxbarashada ardayda, taas oo kor u qaadi doonta tirada ardayda iskuullada tagta iyo joogteynta waxbarashada.

    Wasiir Maxamed Diiriye Gamadiid ayaa adkeeyay iskaashiga dhow ee Hay’adda WFP iyo Wasaaradda oo xaqiijinaya hirgelinta istaraatiijiyadda quudinta iskuullada, waxa uuna xusay sida Wasaaradda ay uga go’an tahay in ay ubadka Puntland u diyaariso jawi-waxbarasho oo ku habboon.

    Madaxda Wasaaradda ayaa ku bogaadiyay Hay’adda WFP dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan oo muddo socday, iyadoo Wasaaradduna ay dib u eegid ku samaysay qorsheyaasha lagu hirgelinayo.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.