Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo qaaday imtixaanka heerka labaad, deeqda Waxbarasho ee dalka Ethiopia.
    Somalia

    Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo qaaday imtixaanka heerka labaad, deeqda Waxbarasho ee dalka Ethiopia.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 7, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    07/Sep/2017- Wasaarada Waxabrashada iyo Tacliinta sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Gudiga Shaqaalaah Rayidka ah ee Dawlada Puntland oo saaka si wada jir ah  imtixaan uga qaaday 26 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawlada Puntland kuwaas oo fariistay imtixaanka lagu kala reebayo  dadka loo qaadaanayo waxabrashada heerka labaad ee dawlada Ethiopia ugu deeqday dawlada Puntland.

    Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawlada Puntland  Barni Ciise Axmed oo goobta ka hadashay waxay cadaysay in xulida shaqaalaha laga soo maray hawl badan ayna isla xuleen gudi ka kooban Wasaarada Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hay’ada Shaqaalaha rayidka ah ee Dawlada puntland, qof walbana laga hubiyey shahaadada uu wato iyo payroll-kiisa shaqaalanimo ugu damayna la xushay ardada saaka nasiibka u heshay in ay imtixaanka u farisato.

    Waaxda imtixaamaadka e WW&TS oo kaashanaysa Prof, Siciid Faahiyelataliyaha Tacliinta sare ee WW&TS oo soo diyaariyey imtixaanka ayaa balan qaaday in arday walba uu heli doono natiijada siduu uga shaqeeyo imtixaanka aysana dhacayn in qofna waayo dhibco uu mudnaa midna uu helo dhibco uusan mudnayn, qof walbana helayo natiijada imtixaanki uu galay.

    Ugu danbayn gudoomiyaha Gudiga deeqda waxabrashada shaqaalaha dawlada ahna Agaasimaha guud ee WW&TS Maxamed C/qaadir Cismaan oo ka hadlay furitaanka imtixaanka wuxuu ku dhiirageliyey ardada fadhida imtixaanka in ay u galaan si hufnaan ah qof walbana ku kalsoonaado aqoontiisa maadaama imtixaanku yahay qiimayn qofka lagu qiimeynayo in uu u qalmo u gudbida heerka labaad ee waxabrasaho.

    Agaasime Maxamed C/qaadir  waxa uu cadeeyey in fursada waxabrasho ee ardadu u fadhido imtixaankiisa ay soo codsadeen boqolaal shaqaalaha dawlada ah,lakiin ay nasiib u yeesheen 26-ka arday ee maanta fadhida in ay u soo gudubto wareega labaad ee lagu kala harayo kaas oo ah imtixaanka saaka loo fadhiyo, kuwa hada fadhiyana ay ku sii kala hari doonaan imtixaanka ugu damayna ay gudbi doonaan 15-ka arday ee ugu saraysa natiijada ka soo baxda imtixaanka.

    Waa sanadkii lixaad ee Dawlada Ethiopia ay deeq waxbarasho oo heerka laabd ah u fidiso shaqaalaha dawlada Puntland midaas oo sare u qaaday aqoonta shaqaalaha dawlada Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.