Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo Tababar u soo xirtay 325-Macalin oo barayaal ka ah dugsiyada hoose/dhaxe ee Puntland
    Somalia

    Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo Tababar u soo xirtay 325-Macalin oo barayaal ka ah dugsiyada hoose/dhaxe ee Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    26/08/ 2018- Tababar kor loogu qaadayo tayada macalimiinta Puntland ayaa lagu soo gabagabeyey xarunta kulliyadda macalimiinta GTEC oo ku taala magalada Garowe Tababarkaa oo loo qabanayey Macalimiinta Dugsiyada hoose/dhaxe ka howl gala.

    Ujeedada Tababarkan ayaa in macalimiinta lagu Tababaro maadooyinka kala duwan ay dhigaan aqoontoodana kor lagu soo qaado iyo xirfada Macalinku leeyahay Tababarka oo ahaa Wajigii labaad ay qabato Wasaaradda Waxbarashada iyo kuliyada Tababarka Macalimiinta.

    Xiritaankan tababarkan waxaa ka qayb galay ku simaha wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax iyo madaxda kale ee Wasraadda, waxaana goobta laga sheegay ahmiyadda ay lee dahay qabsomida tababarkan iyo faa’iidada ku jirta.

    Maamulaha kuliyada Tababarka macalimiinta C/rixmaan shiikdon ayaa sheegay macalimiinta tababarkan loo soo xiray inay ka kala yimaadeen deegaanada kala duwan ee Puntland, faa’iidooyinka laga helayo ayuu sheegay inay tahay kor u qaadista aqoonta macalinta taasoo gaaraysa meel fog, ayna kor ugu kici karto waxbarashada Puntland ee Dugsiyada hoose iyo dhaxe.

    Agaasimaha waaxda Tababaradda Macalimiinta ,Mashaariicda iyo Farsamada Gacanta ee Waasarada Waxbarashada iyo Tacaliinta sare ee Dowlada Puntland Abdulahi Axmed Maxamud ayaa sheegay tababarkan in loo qabtay 325-macalin, wuxuna sheegay inuu qayb ka yahay dadaaalada ay Wasaraddu ugu jirto kor u qaadista aqoonta macalimiinta Puntland, macalimiintan ayuu sheegay sanad walba in koox ka mid ah tababar la siin doono.

    Agaasimaha Waaxda Tababaradda Macalimiinta, Mashaariicda iyo Farsamada Gacanta ee Wasarada Waxbarashada iyo Tacaliinta sare ee Dowlada Puntland Abdulahi Axmed Maxamud oo isagu Tababarka qayb wayn ka ahaa xaladaha Macalimiinta waxaa uu dhankiisa sheegay in Tababarkaan looga gon leeyahay sidii aqoonta Macalimiinta dugsiyada hoose/dhaxe kor loogu qaadi lahaa,waxaa uu xusay in wasaaradu ay u jirto da’daal fara badan sidii isbadal dhab ah looga samayn lahaa waxbarshada,isagoo Carabaabay in hada waxbadan u qabsoomeen.
    .
    Wasiirkii ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Puntland ahna ku simaha Wasiirka Waxbarashada ayaa oo soo xiray tababarka, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kasta la garab taagnaado macalimiinta Puntland isgoo xusay Macalinimada Waajibadka saaran, waqtiga tababarkan loosoo xirayo ayuu hadana sheegay inuu ku farxayo dhamaynta aqoontooda, sidoo kale waxa uu ammaanay kuliyadda tababarka macalimiinta oo uu sheegay inay u diyaarsan tahay tababarida macalimiinta dalka.

    Macalin ku hadlayay afka macalimiinta tababarka loo soo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wasaraddu uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta macalimiinta si loosoo saaro jiil aqoon leh,tababarkan ayaa socday mudo bil ah.

    Bishii january ayaa Kulliyada Tababar Macalimiinta ee (GTEC) waxaa lagu qabtay wajigii kowaad Tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo Tayada Macalimiinta.

    Tababarkan ayaa waxaa isla qabtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Hay’adda Unicef oo masharuuca barnamijka iskaashiga Calamiga ah Waxbarashada oo loo yaqaan Global Partnership for education.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.