Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wasiir Dhabancad: Waan xalinay tabashadii Ciidankii galay Boosaaso+VIDEO
    Puntland

    Wasiir Dhabancad: Waan xalinay tabashadii Ciidankii galay Boosaaso+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland iyo Sidda loogu guuleystay in lasoo Afjaro.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay  ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha Magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen.

    Wasiir Dhanancad ayaa sheegay in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen Magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha Magaalada mudadii ay ku sugnaayeen.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/2157872530980176/

    Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xusay in Mas’uuliyiinta Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada  ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen Ciidanka Dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

    Ciidankii Magaalada Boosaaso xoogga kusoo galay ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Carmo oo markii hore ay ka yimaadeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.