Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir ka tirsan dowlada Faransiiska oo si kadis ah su casilay
    Somalia

    Wasiir ka tirsan dowlada Faransiiska oo si kadis ah su casilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 28, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirkii arrimaha deegaanka ee Faransiiska Nicolas Hulot ayaa xilka iska casilay isagoo si toos ah uga hadlaya idaacad, arrintaas oo noqotay tallaabo habka loogu dhawaaqay uu xitaa aad ula fajacay madaxweyne Emmanuel Macron.
     
    Siyaasigan oo horay u ahaan jiray wariye Telefishin una doodi jiray xuquuqda deegaanka ayaa sheegay in uu xilka isaga dagay ka dib markii uu ku batay walbahaarka ku aaddan dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ee wax laga qaban waayay.
     
    Wuxuu ka dhawaajiyay in go’aankiisa ay sabab u noqdeen guul darrooyin uu kala kulmay isku dayo dhowr ah oo uu ku raadinayay in wax laga qabto isbaddalka cimilada.
     
    Mr Hulot ayaa sheegay in uu “kalinimo” ku dareemay dowladda dhexdeeda.
     
    Go’aankan ayuu sheegay inuu isla markaas uu idaacadda ka hadlayay qaatay oo xitaa aysan ka war heynin xaaskiisa.
     
    “Waxaan doonayaa inaan qaato… go’aanka ugu adag nolosheyda” ayuu yiri wasiirka oo si toos ah uga hadlayay wareysi ay la yeelatay idaacadda France Inter.
     
    Wuxuu si kalsooni u yiri “Waxaan qaadanayaa go’aanka aan uga baxayo dowladda.”
     
    Mr Hulot ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in uusan arrintaan kala hadlin madaxweyne Emmanuel Macron iyo raysul wasaare Edouard Philippe midna.
     
    Sababta uu ugu sheegi waayay go’aankiisa ayuu ku micneeyay in uu aaminsanyahay haddii uu ku war galin lahaa in ay kala hadli lahaayeen sidii uu uga noqon lahaa.
     
    Mr Hulot ayaa ah qof si weyn caan uga ah dalka Faransiiska waxaana ay wariyeyaasha ka soo warramaya waddankaas sheegayaan in tallaabada uu qaaday ay dhabar jab weyn ku tahay Mr Macron oo taageerada loo hayo ay waqti xaadirkaan aad u liidato.
     
    Af hayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Benjamin Griveaux ayaa sheegay inuu aad uga qoomameynayo is casilaadda Mr Hulot.
     
    “Ma fahmi karo sababta uu xilka uga dagay innagoo guulo fara badan gaarnay sannadkii ugu horreeyay ee aan dowladda maamuleynay, guulahaasna wuxuu ku leeyahay qeyb” ayuu yiri af hayeenka isagoo la hadlayay telefishinka BFM TV.
     
    Is casilaadda wasiirkan ayaa timid hal maalin ka dib markii ay dowladda Faransiiska ku dhawaaqday in ay qafiifisay shuruucdii lagu adkeynayay ugaarsiga xayawaanaadka.
     
    Mr Hulot ayaa sheegay in go’aankan uu ku ogaaday awoodda ay leeyihiin dadka u ololeynayay dabcinta xeerarka ugaarsiga.
     
    Wuxuu sheegay in sidoo kale uu walbahaar ka qaaday” tallaabooyinka yar” ee loo qaaday dhinaca isbaddalka cimilada.
     
    Laakiin wasiirka ayaa sheegay inuu rabay in is casilaaddiisa loo arko qeylo dhaan fadhiga looga kaco.
     
    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee tirada ugu badan ee siyaasiyiinta u dooda xuquuqda deegaanka ka dhaadhiciyay in ay dowladdiisa ku soo biiraan, mid ka mid ah dadkaasina wuxuu ahaa wasiirka maanta sida lama filaanka ah isku casilay.
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.