Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiira socdaalka Canada oo la kulmay soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.
    Somalia

    Wasiira socdaalka Canada oo la kulmay soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan.

    Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi.

    Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsi ayaa ka dhaxeeya, ma aha in Dowladda sare oo kaliya, balse waa in lala kulmaa oo lala sheegeysta maamul goboleedyada, Minnesota-na dalka Canada ganacsi badan ayay la yeelataa, dhaqaale badan ayaa laba dhinac u gudba, waxaa kaloo aan u imid inaan Dadka ku dhaqan Minnesota ina aan u sharaxo siyaasadda Socdaalka Dalka Canada, isbedelka iyo waxyaabaha ay qabaneyso iyo waxa ay ku talao jirto”.

    Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka jawaabayay su’aal la xariirtay sida ay Dowladda Canad u soo dhaweynayso dadka ka cararaya Maraykanka oo doonaya inay galaan Canada ayaa yiri, ” Canada waxaa weeye wadan furan oo ogol in Dad ajnabi ah qaataan oo ay ka shaqeeyaan Canada oo ay soo guuraan, laakiin muhiimaddu waxaa weeye in ay Albaabadii loogu talagalay soo maraan, waxaan diidan nahay waxaa waaye in shaqsiyaad ama Dad iskaya inay xuduuda soo gudbaan iyagoo aan soo marin meelaha loogu talagay, marka Canadna dan uguma jirto Maraykanka-na dan uguma jirto”.

    Mar wax laga weydiiyay maxaad u qabatay inta aad Wasiirka ka tahay Dalka Canada Dadka Soomaaliyeed, ayaa yiri, ” wax badan ayaa u qabtay, balse aan sheego marka hore Soomaaliya Safaarad kuma laha Dalka Canada, marka haddii ay jiri laheyd Safaaraddu waxaa sii fiicnaan lahaa xiriirka labada Dal, waxaan u gudbiyay lacag waagii abaarta iyo siyaabo kale 119 Million oo Doolar aniga shaqsi ahaan aan Dowladda Soomaaliya u gudbiyay, lacagtaasi 21 Million oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay Soomaaliya , Dowladda Canada waxaad moodaa inay u soo laabatay Mucaawinadii ay Soomaaliya siin jirtay ay sii xoogeysatay”.

    Abdirisak Juba-Idilnews.com .

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.