Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Degmada Dhahar
    Somalia

    Sawiro:Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Degmada Dhahar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 13, 2017Updated:November 13, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Idilnews.com ( Dhahar ) Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi.

    Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska  iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo cuqaasha gobolka, ururada Haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka degmadda Dhahar.

    Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf [Dawlad]ayaa uga mahad naqay shacabka magaaladaasi soo dhoweynta wanaagsan ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Wasiirku inay kormeer shaqo u joogeen maamumihii u dan beeyey gobolada Sanaag iyo Hayland, isla markaana waxa uu xusay in aan aduunka lagu arag shacab sheegta shacab kale inay mamaulaan taasina ay tahay nasiib daro iyo aqoon la’aan haysa maamulka Soomaliland.

    “Dhaqan wanaagsan baynu lahaan jirney haddaynu nahay Soomaali, waynu wada degenaan jirney saynu ahayn, waxaa yimi in lays yiraahdo xoog halaysku muquuriyo taas oo lagu doonanayo risiq iyo dawladdnimo, doorashadu sharci bay leedahay qofku isagoo xora ayuu wax doortaa, nin xabad madaxa lagaga hayo ama laluush baalagu siinayaa laleeyahay ee halkaasi ku rid, taasi doorasho ma aha, shacabka gobolada Sanaag iyo Hayland waxay na tuseen oo cadeeyeen inay yihiin dad Soomaali ah, tanlabaadna ay yihiin dad Puntland ah oo aaminsan mid nimadooda iyo waxay aaminsan yihiin” ayuu yiri Wasiirku.

    Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa dhankiisa farin adag u diray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isagoona sheegay in shacabka reer Puntland yihiin dad tariikhda baal dahaba kaga jira lahaana tariikh soo jireena oo ku qotonta geesinimo, kala danbayn maamul iyo mid qadiyaddeedba, waxaana uu xusay in Puntland weligeed maamul ahaan iyo awood ahaanba korjoogtayn jirtey gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

    “Shacabka Magaalada Dhahar waxaan dhammaantiin indiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee sharaftale ee kal kiyo laabtale ee aad usoo dhowayseen weftiga uu hogaminayo Wasiirkeena Amniga iyo DDR-ka oo anigana aan xubin ka ahay, waxaan soo marnay Xingalool dibadbaxyo ayay wadeen wax doorasho kusheeggii Soomaalilandna kama jirin dhammaan degaanadaasi hoosyimaadda Xingalool” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

    ”Waxaan idiinku bishaaraynayaa kaadhadhkii uu Muuse Biixi ugu tala galay in codka lagu siiyo shacabka ayaa iyagoo xor ah keenay oo kusoo warejiyey weftiga dawladda Puntland, Muuse Biixi waxa uu yiri ‘ inaan ka adkaan jirey Puntland awoowayaashood ha waydiiyeen’ hal kelmed ayaan odhanayaa Muuse kaadhkii aad codka ku dooneysey waakan aniga gacantayda ayuu ku jiraa sidoo kale Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabeba” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil

    “Laga bilaabo Hobyo, Xaafuun, Baargaal, illaa Boosaaso Boqor Cusmaan baa ka talin jirey isaga awoowgiis muu ahayne aniga awoowgay buu ahaa, laga bilaabo meesha ay ku qoran tahay ‘Bandar Siyaada’ ee Ceelaayo, illaa saylac waxay qoran tahay in Warsan-Geli Sanladdoodii ay ka talin jirtey oo uu ka talin jirey Maxamuud Cali Shire, isaguna Addeerkay buu ahaa, magaaladan Dhaharna waxaa ka talinaayey Dhahar oo ku caan baxday ‘Haddii Dhahar yiri Allaa yiri’ Muuse Biixi waxaan leeyahay  adiga iyo awoowayaashaa Ab iyo Isirtoona uma aydaan lahayn inaad talisaan aniga awoowa yashayna kuwaas aan sheegay bay ahaayeen ” ayuu yiri ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashii yuusuf Jibriil.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.