Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL
    Puntland

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 23, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    22-kii Agoosto 2025, buuraleyda adag ee Baalade iyo Maragade waxaa dagaal adag oo dhimasho iyo Dhaawacba sababay dhexmaray Ciidanka Geesiyaasha Puntland iyo kooxda Daacish,Deegaankan oo ah buuro dhaadheer, togag iyo godad isku dhafan ayaa dagaalka ka dhigay mid aad u adag oo xitaa diyaaradaha duqeymaha aysan awoodin inay si fudud u shaqeeyaan maadama cadowguna si xeeladeysan ugu dhuumanayay godad adag oo aan sahal lagu gaari karin.

    Ciidanka Puntland waxay muujiyeen geesinimo aan la barbardhigi karin iyagoona diiday dib u laabasho waxayna lug ku galeen godadkii cadowga waana tan sababtay in dagaal fool-ka-fool ah oo toos ah la galo taasoo ka tarjumeysa heerka go’aan iyo dhiirranaan ay leeyihiin Ciidamada Puntland ee dagaalka kujira.

    Si hordhac xoguhu waxay sheegayaan in ka badan 20 dagaalyahan oo Daacish ah in lagu dilay weerarka, dhinaca Ciidamada Puntland ee shahiiday tiro ahaan 13 ayey gaarayaan waana geesiyadii bilowgii koowaadba go’aan adayga iyo geesinimada Dagaalka ku galay , dhaawac ahaana waxa dhankooda Ciidanka soo gaaray 10 markiiba waxa iyana si deg deg ah looga qaaday Boosaaso .

    Muuqaallo laga helay goobaha dagaalka ayaa muujinaya sida ciidamada ay u wataan agabkooda dagaal iyagoo dusha sare ka socda geedo dhaadheer una degaya godad qoto dheer waxayna tani caddeyneysaa adkeysigooda iyo kartidooda dagaal.

    Sida ay saraakiil sare ii xaqiijiyeen, howlgalkaasi waxa uu qeyb ka yahay weerarro qorsheysan oo la fuliyay toddobaadkii hore iyo bilowga Todobaadkan oo maanta ku astaysan taariikh ahaan 23-ka Agoosto, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen xubno sare oo Daacish ka tirsan.

    Ciidamada Puntland ayaa haatan si buuxda u hareereeyay Maragade halkaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan hoggaan sare oo ka tirsan kooxda iyo xaasaskooda waana talaabo cadeynaysa in howlgalku yahay mid sare loo qaadey islamarkaana si toos ah loogu wajahayo madaxda Kooxdan khatarta ah.

    Guushan dagaalka Maragade Yucrin Goble ee Baalade Calmiskaad waxay mar kale muujisay in Puntland ka go’an tahay xoreynta dhulkeeda iyo saarista Kooxaha argagixisada ee caqabada ku ah Nabadda iyo Horumarka shacabka Soomaaliyeed.

    WQ”-Faadumo Yaasiin Jaamac

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.