Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waxgaradka Nugaal iyo W.maaliyada oo iska kaashanaya wacyigelinta Canshuuraha
    Somalia

    Waxgaradka Nugaal iyo W.maaliyada oo iska kaashanaya wacyigelinta Canshuuraha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE-Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa qabatay Kulanka Wacyigalinta Cashuuraha iyo la tashiga Bulshada oo qaybtii ugu horreysay laga daahfuray Magaaladda Garoowe.

    kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo siin lahaa Bulshada qaybeheeda kala duwan fahamka cashuuraha iyo arrimaha lugu bixiyo cashuurta ay Dowladdu ka qaado.

    Waxaa daahfuray Wasiir Ku-xigeenka Daklhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Omar Caarshe, waxaana ka soo qayb galay Ku-xigeenka Agaaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Abshir Maxamed Abshir , saraakiil ka tirsan Xafiiska Dakhliga, Odyaal iyo waxgarad.

    Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshri ayaa faahfahin ka bixiyay kulanka isagoo ujeedka kulanka kusoo koobay qodob oo kala ah, In lagu wargaliyo oday dhaqameedka faa’iidada iyo ahmiyadda cashuuraha, iyo kor uqaadista fahamka Guud ee Cashuuraha ay dowladdu qaado.

    Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cali Cumar Caarshe ayaa xusay in Dowladdu ku shaqayso cashuurta bulshadda laga uruursho taasna lugu bixiyo adeegyada kala duwan ee bulshadu ka rabto Dowladda.

    Wasiirka ayaa xusay in Dowladdu markasta ay qorsheenayso horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo kaabaayasha dhaqaalaha si kor loogu qaado aaminaadda bulshadda ayna bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

    Kulanka ayaa lugu soo bandhigay warbixinno ku saabsan cashuurta lasoo xareeyay sanadkii 2021, sida loo soo xareeyay iyo shuruucda casuhurta lugu qaado si fahamka guud ee bulshadda uu kor ugu kaco.

    Dhinaca kale Odoyaasha iyo nabadoonadda kasoo qayb galay kulanka ayaa bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda oo siiyay fursad lugu baro cashuuraha oo markii ugu horeesay ay qabsoonto kulanka noocaan ah ayna diyaar u yihiin garab istaagg lugu siiyo Wasaaradda Maaliyadda in ay xoojiso dakhli uruurinta si bulshadda wax wayn loogu qabto.

    Ugu dambayntii Kulanka ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan iyadoo ay odoyaashu siiyeen talooyin badan oo adkaynaya xiriirka bulshadda iyo Dowladda.

    Baahintii

    Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.