Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay magaalada Srael
    Somalia

    Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay magaalada Srael

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.

    Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.

    “Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka.

    Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

    “Argagixiso ayaa rasaata furtay, wax yar kadibna lug ayay ku carareen, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Eli Levy oo la hadlayay TV-ga Channel 13.

    Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israaโ€™iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.

    Sababta ka dambeysay weerarkan ma cadda, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israaโ€™iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.