Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wiilka Osmaama Bin laden oo la dilay
    Somalia

    Wiilka Osmaama Bin laden oo la dilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.

    Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha argagixisada oo laga fuliyay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.

    Wuxuu sheegay in dhimashada Hamza aysan kaliyah dhaawac dhanka hogaanka ah ku aheyn Al Qacida, balse ay wiiqi doonto howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada muhiimka ah ee kooxda.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii bishi August sheegtay, in ay ilo wareedyo xaga mukhaabaraadka ah u sheegeen dilka ina Bin Laden. Xiligaas waxay warbaahintu sheegtay in ay ogaadeen in Xamza la dilay inti lagu guda jiray labadi sano ee lasoo dhaafay, laguna khaarijiyay howlgal uu Mareykanka ku lug lahaa.

    Xamza ayaa ahaa canuga 15-aad ee 20-ka carruur ee uu ka tagay Osama Bin Laden. Waxaa dhashay xaaska saddexaad ee Osama, waxana sida la sheegay uu ku jiray da’da soddomeeyada. Waxaana lagu tirinayay inuu ahaa hogaamiye soo baxay oo yeelatay Al Qaacida.

    Inta uusan dhiman waxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxiisa saartay hal milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu ku suganyahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.