Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaaf oo ka guulaystay Kooxda Villa wardhiigley Ee Fahad Yaasiin
    Somalia

    Xaaf oo ka guulaystay Kooxda Villa wardhiigley Ee Fahad Yaasiin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul-goboleedyada Somalia, kuwaasoo lagu Casuumay inay kasoo qayb-galaan shir-wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya Muqdisho.

    Axmed Ducaale ayaa xusay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

    Madaxtooyada ayaa kasoo dabacday Mowqifkeeda arrimaha maamullada ka jira dalka oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso.

    Sidoo kale, Xukuumadda Somalia ayaa iyadana door ku lahayd Arrimaha ka jiray maamul goboleedyada, gaar ahaan Xaaladda Galmudug oo la sheegay inay gadaal ka riixeysay ololaha lagu ridayay Madaxweyne Xaaf.

    Dhanka kale, Shirka Masโ€™uuliyiinta Dowladda Somalia iyo kuwa Maamullada dalka ka jira ee dhici doona 28-ka bishan โ€“ ayaa diirada lagu saari doonaa xalinta khilaafka u dhaxeeya, iyadoo shir dhowaan maamul goboleedyada ay ku yeesheen Kismaayo ku aas aasay Gole ay ku mideysan yihiin.

    Haddii Madaxweynaha Galmudug uu ka qayb-galo shirk aka dhici doona Muqdisho, waxaa meesha ka baxaya ololihii ay Xukuumadda Federalka Somalia waday oo ka dhan ahaa Madaxweyne Xaaf.

     

     

    Abshir Dhiirane.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.