Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaaf ”Uma dulqaadan doono faragalinta Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha”
    Somalia

    Xaaf ”Uma dulqaadan doono faragalinta Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2017Updated:September 22, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan, wuxuuna tilmaamay Xaaf in dowladda dhexe ay garab martay qodobo ka mid ah dastuurka, gaar ahaan inay wadatashiyo la sameyso maamulada dalka.

    Arrintan ayaa ka dambeysay markii maanta shir jaraa’id oo magaalada Cadaado ku qabteen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ay ka soo horjeesteengo’aankii Madaxweyne Xaaf kula saftay isbaheysiga Sacuudiga, waxayna taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka

    War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta, ayaa u qornaa sidan:-

    Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

    Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in
    1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
    2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
    3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

    Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

    Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

    Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

    Dhamaad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.