Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaalada Caafimaad Ee Gobolka Tigraay Oo si weyn looga dayrinayo
    Somalia

    Xaalada Caafimaad Ee Gobolka Tigraay Oo si weyn looga dayrinayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii Labadii sano ee la soo dhaafay,ayaa Dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la’aan.

    Dr. Kibrom Gebreslase, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Ayder, ayaa sheegay iney jirto gabar dhalinyaro ah oo dhawaan u geeriyootay insulin la’aan.

    Dhowaan, Gabadh yar ayaa isbitaalka Ayder timid, iyada iyo hooyadeed oo xanuunsan.

    Gabadhan,ayaa waxay xanaaneyneysay hooyadeed oo sariirta jiifta, oo maalmo isbitaalka u jiiftay xanuun kale.

    Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar oo u soo degdegtay badbaadinta nafta hooyadeed ayaa suuxday.

    Dhakhaatiirta,ayaa ku yaacay si ay u caawiyaan intii karaankooda ah, si ay nolosheeda u badbaadiyaan.

    Sababta ay u miyir doorsoontay,ayaa aheyd inay ka dhammaatay insulintii ama sonkorta ku jirta, taasoo lagu daweeyo lagagana hortago cudurka macaanka.

    “Waxay ku dhacday annaga oo daawanayna hortayada.” Kadib waanu ku yaacnay haddaan nahay shaqaalaha qeybta daryeelka degdega ah (ICU). Laakiin waanu badbaadin kari waynay. Si lama filaan ah ayay u dhacday, maalintii xigtayna way dhimatay,” ayuu yiri Dr. Kibrom Gebreslase.

    Dhowaan ayaa wiil kale oo buka qoyskeeda soo kaxeeyeen, iyagoo keenay keenay isbitaalka Ayder.

    Khubarada caafimaadku ayaa waxay sheegeen in aanay xitaa ogayn inay qabto xanuunka macaanka, oo laga helay xanuunka Macaanka, markii danbe ee la baaray.

    Inkasta oo ay garanayeen waxa uu yahay xanuunkeeda, haddana dhakhaatiirtu ma anay u helin dawo ama xal, sidaas darteed maalin wax ka badan kuma sii noolaan karin isbitaalka.

    Xaaladda bukaannada u dhimanaya dawo la’aanta, ayaa weli ah mid murugo leh oo soo food saartay xirfadlayaasha caafimaadka ee Isbitaalka Ayder.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.