Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xabsi kasii dayntii Zuma oo laga daba yimid
    Somalia

    Xabsi kasii dayntii Zuma oo laga daba yimid

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 16, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad ku taalla dalka Koofur Afrika ayaa amartay in madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma uu dib ugu laabto xabsiga, kaddib markii ay ka laabatay sii-dayn sharafeedkii caafimaad ee la siiyay horraantii sanadkan.

    Zuma ayaa la sii daayay bishii Sebtembar kadib markii uu xabsiga ku jiray ilaa labo bilood oo ka mid ah 15 bilood oo lagu xukumay, kadib markii uu diiday amar ay soo saartay maxkamadda dastuuriga ah ee ahaa in uu maxkamadda horteeda ka marqaati furo guddiga gobolka ee baaraya eedeymaha musuqmaasuqa markii uu madaxweynaha ahaa 2009 ilaa 2018.

    Arbacadii, maxkamadda sare ee Gauteng ee Pretoria ayaa xukuntay in sii-daynta sharafeedkii caafimaad ee Zuma la siiyay uu ahaa mid sharci darro ah maadaama ay ka soo horjeeddo talada guddiga cafimaadka.

    Maxkamada ayaa xukuntay in Zuma uu dib ugu laabto xabsiga.

    Sida go’aankan lagu sheegay, muddada uu Zuma ku qaatay meel ka baxsan xabsiga ‘waa in aan lagu xisaabin’ inay noqoto qayb ka mid ah xukunka ay maxkamadda ku ridday.

    Xukunka ayaa dhabar jab dhanka sharciga ah ku ah Zuma, kaasoo sidoo kale wajahaya eedeymo musuqmaasuq oo la xiriira inuu laaluush ka qaatay shirkadda iibisa hubka Faransiiska ee Thales oo dalkiisu hubka ka iibsan jiray.

    AP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.