Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xabsigii Mandela ku xirnaa 27-kii sano oo lagu kiraynayo lacag xad dhaaf ah
    Somalia

    Xabsigii Mandela ku xirnaa 27-kii sano oo lagu kiraynayo lacag xad dhaaf ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 5, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar.
     
    Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo.
     
    Mandela ayaa 18 sano ku jiray xabsiga, isaga oo wadarta guud xirnaa 27 sano, muddooyin kalena kusoo qaatay xabsiyo kale.
     
    Hay’ad lagu magacaabo CEO Sleepout , taas oo doonaysa in ay xusto maalinta Mandela oo ku beegan 18-ka bishan .
     
    Mandela oo u xirnaa, lana dagaalamay nidaamkii midab takoorka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday sanadkii 2013-kii isaga oo 95 jir ah, wuxuuna sanadkan noqon lahaa 100 sano jir.
     
    Dadka yabooha xabsiga ku tartamaya ku hoyashada xabsiga ayaa qofka bixiya lacagta ugu badan waxa uu habeen ku hoyanaya isla qolkii lagu hayay Madela, wuxuuna ku seexanayaa sariirtiisii.
     
    Ilaa 3 sariirood ayaa illaa hadda lasoo bandhigay, balse xabsiga oo leh sariiro kale oo badan ayaa laga yaabaa in kuwa kale oo badane la kireeyo.
     
    Xabsiga waxa uu ku yaalaa jasiiradda Robben Island, taas oo ka baxsan magaalada Cape Town, dhinac kastana ay biyaha badda uga hareereysanyihiin.
     
    Sifada kaliya ee lagu tagi karo ayaa ah gaadiidka badda, waxaana jira rixlooyin doomo waaweyn ah oo maalin kasta geeya boqolaal dalxiisayaal ah.
     
    Jasiiradda ayaa ah meel degaan ah oo ay degenyihiin dad shacab ah, waxaana ka dhacda doorashooyinka dalka Koonfur Afrika.
     
    Balse dadka degen ayaa aad u yaraanayay kadib markii ay gabaabsi noqdeen kaydkii biyaha macaanaa ee jasiiradda, waxaana loo baahday in biyo macaan looga keeno magaalada xitaa sanado ka hor intii magaalada Cape Town uusan ka dhicin qalalaasaha biyo la’aanta.
     
    Jasiiradda waxa ay noqotay goob Hiddo-Dhawr ah oo ay aqoonsantahay hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO, waxkasta oo halkaas yaalana waxaa lagu illaaliyay shuruucda Qaramada Midoobay.
     
    Maalinta Mandela ayaa waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay sanadkii 2009-kii, sanadkastana waxaa laga xusaa dalka Koonfur Afrika. Waxa dadka ay sameeyaan adeeg bulsho muddo 67 daqiiqo ah oo ka dhigan 67-dii sano ee uu halganka ku jiray noloshiisa.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.