Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xamse oo ku dhici waayay tagista Laascaanood
    Puntland

    Xamse oo ku dhici waayay tagista Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland iyo Somaliland,ayaa ku guuleysatay in la joojiyo booqasho uu doonayay in uu ku yimaado magaalada Laascaanood, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Muqdisho Xamze Cabdi Barre oo lumiyay kalsoonida deegaannada uu siyaasad ahaan ku matalo DFS.

    In Xamze booqdo Laascaanood ayaa ahaa mid ku yimid soo jeedinta xubno baraha bulshada ka taageera Social Media.

    Xassan Shiikh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in uu u yeeray Xamze una sheegay in uusan tagi karin Laascaanood, maadama aysan ahayn magaalo uu ka jiro maamul rasmi ah oo la aqoonsan yahay, iyada oo uu aqbalay.

    Wixii ka dambeeyay dagaalkii 25 August, 2023 – xaalada Laascaanood ayaa ahayd mid ay dul hoganayaan khataro Amni, iyadoo magaalada ay unugyo ka sameysteen kooxaha argagixiso ee Al-Shabaab iyo Daacish. Tan ayaa sababtay in magaaladu soo jiidato indhaha Hay’addaha Amniga ee Puntland, kuwa gobalka Geeska Africa iyo saaxiibada caalamiga ah, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka jira Laascaanood.

    Tagista Xamze Barre ee Laascaanood, ayaa loo arkaa mid looga gol lahaa nafis siyaasadeed maadama uusan haysan deegaan uu tago oo uu siyaasadda ku matalo.

    JQ

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.