Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xasan Shiikh oo hor istaagay Mashruuc lagu dhisayo Wadada Galkacyo-Xarfo
    Puntland

    Xasan Shiikh oo hor istaagay Mashruuc lagu dhisayo Wadada Galkacyo-Xarfo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogta Mashruucan?

    Baanka horumarinta Africa,ayaa bixiyay Mashruucan oo siiyay PL.

    Mashruucan,waa dhismaha Wadada Gaalkacyo-Xarfo.

    Kadib Xasan Shiikh iyo kooxdiisa,ayaa damcay in ay ka wareejiyaan PL oo Galmudug ula wareegaan,waxaase ka hawlgashay PL oo kasoo dhicisay.

    Markale,waxay isku dayeen in Mashruuca Lacagtiisa la fashiliyo,waxayna Wasaaradooda Hawlaha Guud ee Xamar amartay in Qandaraaska ay iyadu bixinayso oo fulinayso Mashruuca.

    Ujeedkoodu,waa in Mashruuca la siiyo Shirkad uu leeyahay Xasan oo ay Maamusho Gabadhiisa,markaas kadibna Lacagta Mashruuca Sadex meelood oo meel loo fasaxo,kadibna ay ku doodaan muranka Siyaasadeed,ayaa na hakiyay ee kuma fulin karno xiligii loogu talagalay hanala siiyo wakhti dheeriya.

    Sidoo kale marka ay helaan mudo dherersiga,waxay dalban doonaan Wajiga Labaad ee Lacagta oo ay ku doodi doonaan in ay Shaqada ku wadayaan.

    Marka ugu danbaysa,waxay rabaan in Lacagta Sadex Meelood oo Labo markay lunto in sidaa Mashruuca lagu hakiyo oo uu fashilmo.

    PL oo fahansan qorshaha Xamar,ayaa ka hor tagtay isku daygooda Labaad,waxayna Baanka u qortay Qoraal ay ku sheegayso…

    1.In Dowlada Xamar aysan Shaqo ku lahayn fulinta Mashaariicda oo ay kaliya leedahay Ogaysiin.

    2.In PL xaq uleedahay fulinta Mashruucyada.

    3.In ay jiraan Qodobo ay kuwada Shaqeeyaan Baanka Aduunka iyo PL,kuwaasna loo marayo fulinta Mashruucan,kuwaasoo ay ka mid yihiin….

    B.In Madaxa Mashruuca uu PL fadhiyo.
    T.In Lacagta lasoo mariyo W.Maaliyada PL.
    J.In Qandaraaska ay bixiso PL.
    X.In dabagalka ay leedahay PL.

    Kooxda Xamar oo aad uga qaracantay talaabada PL,ayaa soo adeegsanaysa Nimanka ku magacaaban Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta PL ku matala Xamar,gaar ahaan kuwa Mudug.

    Ragaas Xamar ujooga danahooda gaarka ah,ayaa Saxaafada marinaya eedayn been abuur ah oo oranaysa “PL oo hor istaagtay Mashruuc laga fulin lahaa Mudug”.

    Dowlada PL,waxay ku dagaalamaysaa ilaalinta danaha masiiriga ah ee Shacabkeeda,waxayna ka feejigan tahay bahalnimada Villa Xamar.

     

    Halkan ka akhriso Warqada ay ka qortay PL:-

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.