Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xeer-ilaalinta oo diiday in la faafiyo qoraal ay Maxkamadda la wadaagtay oo ku Aadan baaridii Gurigii Trump
    Somalia

    Xeer-ilaalinta oo diiday in la faafiyo qoraal ay Maxkamadda la wadaagtay oo ku Aadan baaridii Gurigii Trump

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka,ayaa Isniintii ka hortimi dedaallada lagu doonayey in lagu shaaciyo qoraal ay u direen maxkamadda oo markhaati fur u ahaa, sababaha ay ku doonayeen in maxkamaddu ay ugu ogolaato in la baaro Guriga Madaxweynihii hore ee Donald Trump ee ku yaalla Gobolka Florida.

    Waaxda Caddaaladda,ayaa sheegtay in Warqadda markhaatiga “affidavit letter” ee la xidhiidha baadhista ay sameeyeen ee loo diray maxkamadda, in ay ku xusan yihiin “arrimo badan oo xasaasi ah” iyo weliba magacyada markhaatiyo aanay ahayn in xogtooda la shaaciyo.

    Tallaabada ay qaadday Waaxda Caddaaladda,ayaa timi ka dib markii dhawr hay’adood oo warbaahineed oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee AP, ay xereeyeen codsi ku aaddan in la faafiyo warqaddii markhaati-furka ahayd ee Waaxda Caddaaladdu ay u gudbisay maxkamadda.

    Juan Antonio Gonzalez oo ah xeer-ilaaliyaha dawladda Maraykanka ee gobolka Miami iyo Jay Bratt oo isna ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee waaxda amniga qaranka ee Waaxda Caddaaladda, ayaa ku dooday in haddii la shaaciyo waraaqda ay ku lifaaqeen codsigooda, ee ay maxkamadda u direen, inay dhibaato weyn u geysanayso kiiska baadhista ah ee socda.

    Xogta ay Waaxda Caddaaladdu la wadaagtay maxkamadda ayay ku xusan yihiin xog xasaasi ah oo ay ku jiraan, markhaatiyada ay dawladdu waraysatay, iyo weliba macluumaad kale oo sir ah oo ku saabtan xeerbeegti.

    Waaxda Caddaaladda iyo garyaqaannada madaxweynihii hore ee Trump ayaa hore u ogolaaday in la baahiyo qaybo ka mida qoraalada loo gudbiyey Maxkamadda ee la xiriiray baadhista lagu sameeyey Guriga Madaxweynihii hore ee Trump.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.