Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Ciidanka Somaliland oo ku biiray Puntland+VIDEO
    Puntland

    Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Ciidanka Somaliland oo ku biiray Puntland+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019Updated:November 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Maamulka Somaliland Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, ayaa kasoo goostay Somaliland, isagoona kusoo biiray Puntland.

    Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay ee ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Somaliland.

    https://www.facebook.com/100001807801317/videos/3090748267662070/

    Sidoo kale, G/dhexe Sahal Faarax ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimadii uu la ahaa Ciidanka Somaliland, waxaana uu sheegay in sababta uu uga soo goostay dhanka Somaliland ay tahay Caddaalad darro.

    Ugu dambeyntii, G/dhexe Sahal Faarax Raage ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, waxaana Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ciidanka Puntland.

    Illaa iyo hada ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan inuu kasoo goostay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, waxaana jirtay in dhowr jeer oo horey in Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ay u soo wareegeen Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.