Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xeerka Warbaahinta Puntland oo lasoo bandhigay
    Puntland

    Xeerka Warbaahinta Puntland oo lasoo bandhigay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 19, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 19 October 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay kulan lagu soo bandhiggayo wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey sida wadajir looga wada shaqeeyay dhinacyada ay khuseyso, in la helo Xeer ay leedahay Warbaahinta Puntland oo marxalado kala duwan soo maray, kaas oo xitaa wax-ka-bedelka lagu sameeyay hadda laga wada qeybgeliyay dhammaan dhinacyada ku shaqada leh.

    Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku muujiyey in Dowladda Puntland, ay fursad furan iyo jawi aan cabsi laheyn siisay Warbaahinta Madaxa banaaan ee Puntland si ay waajibaadkooda u gutaan Iyadoo aysan jirin weriye la xiray, Xeerarka lasoo bandhigayna ay sii horumarin doonaan wadashaqeynta hufan iyo in Xeerku uu noqdo mid illaaliya qofku in uu xadgudbo iyo in lagu soo xadgudbo labadaba.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkooda ku aadan Dowladnimada marxaladihii lasoo maray iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

    Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa madasha kusoo bandhigay wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta, waxaana kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Goleyaasha Dowladda, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka, Hay’adaha taageera Warbaahinta, Madaxda iyo Weriyeyaasha Warbaahinta kala duwan ee Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.