Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xeerka Warbaahinta Puntland oo lasoo bandhigay
    Puntland

    Xeerka Warbaahinta Puntland oo lasoo bandhigay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 19, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 19 October 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay kulan lagu soo bandhiggayo wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey sida wadajir looga wada shaqeeyay dhinacyada ay khuseyso, in la helo Xeer ay leedahay Warbaahinta Puntland oo marxalado kala duwan soo maray, kaas oo xitaa wax-ka-bedelka lagu sameeyay hadda laga wada qeybgeliyay dhammaan dhinacyada ku shaqada leh.

    Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku muujiyey in Dowladda Puntland, ay fursad furan iyo jawi aan cabsi laheyn siisay Warbaahinta Madaxa banaaan ee Puntland si ay waajibaadkooda u gutaan Iyadoo aysan jirin weriye la xiray, Xeerarka lasoo bandhigayna ay sii horumarin doonaan wadashaqeynta hufan iyo in Xeerku uu noqdo mid illaaliya qofku in uu xadgudbo iyo in lagu soo xadgudbo labadaba.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkooda ku aadan Dowladnimada marxaladihii lasoo maray iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

    Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa madasha kusoo bandhigay wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta, waxaana kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Goleyaasha Dowladda, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka, Hay’adaha taageera Warbaahinta, Madaxda iyo Weriyeyaasha Warbaahinta kala duwan ee Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.