Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xil. Cosoble: Waxaa balansan inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaanka Madasha Qaranka (WAREYSI)
    Puntland

    Xil. Cosoble: Waxaa balansan inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaanka Madasha Qaranka (WAREYSI)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo katirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay qorshaha lagu wada-hadal siinayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin inta badan Xisbiyada Mucaaradka Dowladda.

    Xildhibaan Cosoble oo wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif, uuna ka dalbaday wada-hadal.

    Mr. Cosoble ayaa tilmaamay in Sheekh Shariif uu si cad ugu sheegay in wixii wada-hadal ah ay dhex mari karaan xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaranka iyo Madaxda Dowladda.

    https://www.facebook.com/SOMALICABLE/videos/365598210883860/
    Wareysiga Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo dhameystiran.

    Sidoo kale, Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ergo ahaan u soo diray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, la islana qaatay in la wada hadlo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga rasmi ahaan ay dhaceyso wada hadalka.

    Ugu dambeyntii, Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin in kulanka ay wada yeelan doonaan Madaxda dalka iyo kuwa Madasha Xisbiyada Qaran uu ku koobnaado oo kaliya in sawir la wada galo oo Villa Somalia ku faafiso iney la shirtay Mucaaradka dowladda, balse ay doonayaan in qodobada taagan meel la saaro.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.