Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiliga Doorashada Itoobiya ay dhacayso oo la shaaciyay
    Somalia

    Xiliga Doorashada Itoobiya ay dhacayso oo la shaaciyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ethiopia,ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka, iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol.

    Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda.

    Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo ka mid ah ay ka dhex jiraan muranno xuduudeed.

    Gobolka Waqooyiga ee Tigray, kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, 950,000 oo qofna ay ka barakeceen guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeyay xoogagga gobolka iyo dowladda federaalka uu qarxay 4-tii November.

    Tigray ayaa bishii September si iskeed ah u qabatay doorashadeeda, iyadoo ka dhega adeegaysa dowladda federaalka, oo ku tilmaamtay doorashadaasi mid sharci darro ah.

    Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalka taariikhda sanadka soo socda ee codbixinta aysan ku jirin doorasho ka dhacda gobolka Tigray.

    Waxa uu guddigu sheegay in ay ku dhawaaqi doonto taariikhda doorashada gobolkaasi ka dhaceysa marka uu maamulka KMG ah ee gobolkaasi loo dhisay xilligii ay colaaddu socotay uu awood u yeesho in ay xafiisyada doorashooyinka ka hirgeliyaan halkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Rival Foreign Powers Accused of Fueling Propaganda War Targeting Puntland

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.