Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiliga Doorashada ku celiska ah ee Kenya ay dhacayso oo la shaaciyay
    Somalia

    Xiliga Doorashada ku celiska ah ee Kenya ay dhacayso oo la shaaciyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in markale lagu celiyo doorashada.

    War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

    Maalintii jimcaha ayay maxkamadda sare ee Kenya laashay natiijadii doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, islamarkaasina aysan ahayn mid xalaal ahayd.

    Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

    Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,

    Balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.

    Arrin si weyn loogu muransanyahay ayaa ah cidda doorashada qabanqaabinaysa, NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas’uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.