Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Xisaabiyihii hore Ee Gobolka Mudug Oo la amray in lasoo xiro
    Somalia

    Video:-Xisaabiyihii hore Ee Gobolka Mudug Oo la amray in lasoo xiro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 30, 2018Updated:June 30, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda derajada 1aad ee gobolka mudug ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland Barkhadle Aadan Muuse oo lagu soo eedeeyay inuu dhacay musharkii ciidamadda iyo shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug iyo hanti kale oo dawladeed.

    Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland  Xasan Aw- Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garoowe, wuxuu sheegay in uu dalka ka baxsaday Xisaabiyuhu, wuxuuna ka codsaday Laamaha amniga ee dowladda federaalka, Maamul goboleedyada iyo  wadamada deriska in loo soo gacan galiye Eedaysane Barkhadle.

    “  Qoraalkaasi markuu soo gaaray xafiiska xeer ilaalinta, Xogta na soo gaaraysa  ee hay’adda Sirdoonku na soo gaarsiiyeen waxay sheegaysaa in Eedaysanahaasi uu dalka ka baxsaday, sidaa darteed, waxaanu Hay’adda amniga ee federaalka,  heer maamul goboleed u soo gudbinaynaa in uu sawirkiisu halkaas ku cadyahay ciddii aragta ay u soo gacan galiso dowladda Puntladn” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud.

    Xeer ilaaliyaha oo ka jawaabayay Su’aalo ay  Suxufiyiinta waydiiyeen oo la xiriiray Sababaha hore loogu soo eedayn weeyay Lacagaha ay Xeer ilaalintu sheegtay inuu Lunsaday, wuxuu sheegay in loo diray guddi Hantid dhowr ah oo soo baara lacagaha iyo hantida ku maqan, baaaritaankaasi uu socday, ayuu yiri xeer ilaaliyuhu

    Xisaabiyaha la amray in la soo xiro, ayaa toddobaadkii hore shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku eedeeyay Wasiirka Maaliyada Musuqmaasuq, isagoo soo bandhigay Qoraal uu ku sheegay inay yihiin Akoonka Wasiirku ku leeyahay Bangiga Dahabshil, Balse shirkadda Dahabshil ayaa been abuur ku tilmaamay Waraaqahaasi. Wararku waxay sheegayaan inuu Xisaabiyuhu u baxsaday dhinac Somaliland, isagoo uga soo gudbay dhinaca wadamada Deriska ah.

     

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka..

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.