Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisbiga Kenyatta oo ku dhawaaqay in lagu shubtay doorashada
    Somalia

    Xisbiga Kenyatta oo ku dhawaaqay in lagu shubtay doorashada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isagoo aan wax caddayn ah bixin, ayaa xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya waxa uu sheegay in doorashada lagu shubtay, taasoo sii kicisay walaaca shacabka Kenya Jimcihii, iyadoo warbaahintu ay si weyn u soo taboneyso tirada kala horreynta codbixinta aan rasmi ahayn,

    Kaliya guddiga doorashada ayaa awood u leh in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay, balse tirada ay warbaahintu sameysay ayaa loo arkayay in ay gaashaanka u daruurtay eedeymaha musuq-maasuqa ah ee horay u dhaliyay rabshado.

    Kenya oo ah dalka ugu qanisan, uguna xasiloonida badan Bariga Afrika, ayaa sidoo kale leh taariikh muranno gacan ka hadal ah oo la xiriira doorashada. In ka badan 1,200 oo qof ayaa la dilay kadib doorashadii 2007 iyo in ka badan 100 kadib doorashadii 2017.

    Loolanka ku saabsan cidda xilka kala wareegeysa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wax uu u dhexeeya madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo siyaasiga ruug caddaaga ah ee mucaaradka ugu weyn Raila Odinga oo taageero weyn ka heysta madaxweyne Kenyatta.

    Tirada aan rasmiga aheyn ee saxaafadda ayaa tilmaameysa inay labadan musharrax aad iskugu dhow yihiin, inkasta oo labaduba wax yar ka hooseeyaan 50%, iyada oo in kayar boqolkiiba hal ay ku kala horreeyaan.

    Hadii aanu jirin musharax ku guulaysta in ka badan 50% oo lagu daray hal cod, labada musharax ee ugu cad cad ayaa gali doona wareeg labaad oo doorasho cusub ah.

    Madaxa guddiga doorashada Wafula Chebukatti ayaa jimcihii ku eedeeyay wakiillada xisbiyada inay sabab u yihiin gaabiska tirada rasmiga ah ee tirinta codadka, taasoo aan wali kor u dhaafin 1.5%.

    “Wakiilladu lama socon karaan habka aan howsha u wadno” ayuu yiri Chebukatti.

    Waxa uu sidoo kale Chebukati gelinkii dambe ee Jimciihii u sheegay warfidiyeenka in sarkaalka ka tirsanaa saraakiisha doorashada ee ka shaqeynayay deegaanka Embakasi ee Bariga Embakasi la waayay subaxnimadii Khamiista kadib markii uu dibadda u soo baxay si uu taleefoon ugu hadlo.

    “Maqnaasha sarkaalkan ayaa lagu wargeliyay booliiska” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya.

    Gelinkii dambe ee Khamiistii, ayaa guddoomiyaha xisbiga Jubilee ee Kenyatta, oo taageersan Odinga, waxa uu soo saaray bayaan ay ku eedeynayaan “khiyaano qarsoon oo baaxad leh” oo ay ku andacoonayaan in “hannaanka doorashada la geliyey khatar weyn” kadib markii xisbiga cusub ee Ruto uu soo bandhigay guulo waaweyn oo uu ka gaaray deegaannada uu Kenyatta ka heli jiray codadka ugu badan.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.