Xisbiga talada Danmark hayay 7-dii Sano ee lasoo dhaafay,wuxuu la kulmay guuldaro weyn.
100-kii Sano ee udanbeeyay guuldaradan oo kale ma wajihin Social Democratic.
Wuxuu lumiyay Kuraas door ah oo Baarlamaanka ah,waxaana ku adag in uu kaligii Dowlad dhisto.
Dadka ka dareeray ee Xisbiyada kale ucodeeyay,waxaa sababay siyaasadii Xisbiga lagu yaqaanay oo jihadii ka luntay,waxaana lakala saari waayay Bidix iyo Midig halka uu jiro.
Gabadha Rw ah Mette oo iscasilaadeeda ugudbiday Boqorka,ayaa xaqiiqiyan soo maaraysay arimo adkaa sida…
- Corona.
- Dagaalka Ukrain.
- Trump loolankiisii ee Greenland.
- Dagaalka Iran oo hada socda.
Waxaase lagu dhaliilay arimaha gudaha markay timaado,Ajaanibka,sicirbararka,Waxbarashada iyo daryeelka Waayeelka.
Haatan Xisbigeeda,ayaa ka arinsanaya in Dowlada cusub iyadu hogaamiso ama in hogaamiye kale la xusho.
Social Democratic kaliya ma-‘ahan waxa guuldaradu ku dhacday ee waa Xisbiyadii waa weynaa ee soo jireenka ahaa,waxaana keenay dadkii oo ka daalay siyaasadahooda
Doorashadan,waxaa Codad badan ku helay Xisbiyada yar yar ee udabacsan Ajaanibka,taasoo muujinaysa in Shacabka Danmark aysan danaynayn ubahalgelinta soo galootiga iyo Awr ku kacsigii siyaasiyiinta ee arimaha Ajaanibka.
Danmark,waxay ubadan tahay in ay yeelato Dowlad wadaag ah oo awood ay ku leeyihiin Xisbiyada Ajaanibka udabacsan.
Danmark,waa Dal hormarsan oo ay ilaalsanayaan Bulsho ilbax ah,qani ah,aragti leh oo nabadeed.
