Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xog:-Garowe sidan kuma sii ahaan karto Caasimad?
    Puntland

    Xog:-Garowe sidan kuma sii ahaan karto Caasimad?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hal Shirkad Koronto ma anfacayso Magaalo laga rabo in ay samayso horumar oo Caasimad u ah Dhul gaaraya 212-kun KM isku wareeg ah.

    Sida dhacday marar badan oo Maantay ay ugu danbaysay,waxaa cilad qabsanaysaa Shirkada,kadibna Korontadii,ayaa maqnaanaysa Lix Saac oo isku xigta.

    Waxaa jarmay Intarneedkii.
    Waxaa damay Taleefoonadii.
    Waxaa istaagay wax kala iibsigii.
    Waxaa istaagay Shaqadii Isbitaalada.
    Waxaa xirmay Hoteladii iyo Maqaaxiyihii.

    Khasaaraha Maanta kaliya dhacay,waxaa lagu qiyaasay $60-$70-kun.

    Dhibku,waa Korontadii Magaalada oo uxiran Hal Shirkad,taasoo siday doonto yeelaysa oo aan ka taxadarin Bulshada adeega ay uhayso.

    Cid alaale iyo cidii isku dayda in ay keento Koronto cusub,waxay siinayaan Saami sida Golis iyo Amal,waxaase culaysku ku dhacayaa Shacabka.

    Sidoo kale,waxaa maqan doorkii Maamulka oo ahaa in uu ilaaliyo Qiimaha iyo Tayada maadaama Korontadu ay tahay lama taabtaan markay timaado adeega Bulshada.

    Waxaa kaloo,iyaguna gabay doorkoodii la Xisaabtan ee Wasaarada Tamarta Baarlamaanka Puntland .

    La soco warbixino aan ku dul istaagayno Korontada Garowe oo isdaba joog ah.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.