Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xog:-Musuq iyo Eex haraysay Ciidanka Booliska Puntland
    Puntland

    Xog:-Musuq iyo Eex haraysay Ciidanka Booliska Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Deni markii uu la wareegay hogaaminta PL,waxuu amray mudo yar kadib in Ciidamada guud ahaantood dib uhabayn lagu sameeyo.

    Gudi uu Gudoomiye ka ahaa Wasiirkii Maaliyada,ayaa la saaray oo ka hawlgalay,waana shaqeeyeen oo mudo gaaban kadib isbadal weyn,ayaa ka muuqday Ciidamada.

    Hadaba Booliska,waxaa tababarka kasoo gudbay Ciidan gaaraya 1500-Askari,kuwaasoo hawlgalay oo Shaqa la mahdiyay qabtay.

    Balse,waxaa niyad jab yimid markii Ciidamo diiday tababarka oo intooda badan iskaga tagay Shaqada lasoo ceshay oo iyagoon tababar iyo diiwaangelin la marsiin lagu dhexdaray Ciidankii tababarnaa oo diiwaangasahanaa sida weyna loosoo diyaariyay.

    Waxaa ku timid Ciidanka habacsanaan Shaqo iyo niyad jab,sababtoo ah Askarigii ku fashilmay tababarka iyo kii ka cararay tababarka iyo dib uhabaynta,ayay isku xuquuq yihiin oo lala simay.

    Talyaha Qaybta Bari iyo Talyaha Qaybta Karkaar,ayaa samaynaya khaladaadkan si gaar ah,waxayna haatanba wadaan qorshe cusub oo ay Ciidankii la tababaray ku ruqsaynayaan si boosaskooda ay uga buuxsadaan Maleeshiyaad Tuulooyinka laga soo ururshay.

    Ujeedka Labada Talye,ay ucayrinayaan Ciidanka tababaran,waa eex ku saabsan Mushahaarka Imaaraadku ubilaabayo Ciidanka Booliska dhawaan.

    Arintan waxka qabasho ayay ubaahan tahay deg-deg ah.

     

     

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.