Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Siciid Deni – oo dib uga gurtay heshiis uu la galo Axmed Madoobe
    Puntland

    XOG: Siciid Deni – oo dib uga gurtay heshiis uu la galo Axmed Madoobe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Idilnews ayaa xaqiijisay in uu fashilmay, is afgarad la doonayay in ay Dubai ku gaaraan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

    Heshiiska Deni iyo Madoobe, oo ay daba ka riixayeen xubno ka agdhow labadooda iyo saraakiil u dhashay Imaaraatka Carabta ayaa guuldareystay saacadihii u dambeeyay ee uu qabsoomi lahaa kulan ballaaran oo dhex mara labada Madaxweyne.

    Wararka ayaa sheegaya in Siciid Deni uu dib uga gurtay heshiis uu hadda la galo Axmed Madoobe oo dareemaya go’doon siyaasadeed, isagoo ku adkeystay in uusan muhiim u arag, maadama axdi kasta oo siyaasadeed oo lala gaaro ka fuleyn dhankiisa.

    Madoobe ayaa xalay soo gaaray Nairobi, oo habeeno kahor uu yimid Siciid Deni, mana jirto rajo laga qabo is arag dhexmara iyo isu soo dhawaansho la xiriira arrimaha la isku hayo, wallow ay jiraan dadaallo ay wadaan xubno isugu jira ganacsato iyo siyaasiyiin oo doonaya in la dhameeyo khilaafka saddex sano jirsaday.

    Maalmaha soo socda Deni iyo Madoobe ayaa qorshuhu yahay in ay kala gaaraan deegaanadooda, taas oo culeyska siyaasadeed ku kordhin doonta Axmed Madoobe, niyad jabna u ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo u arka is qaadashada labada nin fursad siyaasadeed iyo in ay heli doonaan geed fadhi la loodiya Xassan Shiikh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.