Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG WARAN: Magacaabista Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ‘ma harci mise sharci darro’
    Somalia

    XOG WARAN: Magacaabista Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ‘ma harci mise sharci darro’

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda u magacaabo sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka.

    Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaarsiinta xukuumadda ee inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa.

    Qodobkaas waxuu dhigayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumadda lasoo dhiso ay kala wareegto.

    Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

    Kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, durbadii Madaxweyne Farmaajo waxa uu sameeyey magacaabis cusub.

    Madaxweynaha oo wareegtadiisa ku balan-qaaday in uu deg-deg u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, taas oo sida uu dhigayo dastuurku sharci darro ah.

    Dastuurku waxa uu dhigayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu shaqada u sii wado si caadi ah, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isla markaana uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynuhu, balse ma dhicin.

    Inkasta oo Kheyre markii dambe is-casilay, haddana madaxweynuhu wuxuu sharci-darrada sameeyey taas ka hor.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.