Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa
    Puntland

    XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirrada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa qodobo adag hordhigay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, oo kulan qaatay saacado badan ay kula yeesheen xerada Xallane, gelinkii dambe ee isniintii.

    Kulanka oo qabsoomay wax yar kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u dhexeeyay Wakiillada caalamiga ah, gaar ahaan bahda C6+ – ayaa diirrada lagu saaray baahida loo qabo in la badbaadiyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya ee heshiiska laga yahay.

    Danjire Swan iyo safiirka Mareykanka Richard Riley, ayaa u soo bandhigay Madaxweyne Xassan Shiikh labo qodob, kuwaas oo kala ah

    1. In uu aqbalo shuruudaha mucaaradka (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), uuna ka shaqeeyo in gogasha uu iclaamiyay 15 bishan June noqoto mid loo dhan yahay, oo leh ajande cad, heshiisna looga gaaro qodobada la isku hayo, sidda laallida Dastuurka oo uu ka laabto iyo heshiis laga gaaro doorashada dalka ee 2026.
    2. In uu ku dhagnaado mowqifkiisa, ayna fashilanto gogasha 15 June, ayna iyagu si rasmi ah u soo galaan arrimaha Soomaalida, heshiis siyaasadeed oo dalka samatabixiyana laga doono meel ka baxsan Soomaaliya, sida KAMPALA.

    Xassan Shiikh oo la daalaa-dhacaya culeysyada siyaasadeed ee ka dhashay tallooyinkiisii ayaa ay heysata labo daran mid dooro, iyadoo dadka la socda xaaladiisa ay qabaan in ay u badan tahay heshiiska Soomaalida laga doono caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.