Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antรณnio Guterres ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in sida dhakhsiyaha badan uu kusoo dhisi doono dowladda loo dhan yahay isla markaana uu maamul goboleedyada kala shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay afahayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.
Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobey ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
โWaxaan si dhow maamulka cusub ugala shaqeyn doonaa sidii loo xoojiyo qorshaha dowlad dhisidda iyo wax ka qabashada xaaladaha baniiโaadimoโ ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobey.
