Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xoghayaha QM oo cambaareeyey weerarkii xerada Ceel-baraf
    Somalia

    Xoghayaha QM oo cambaareeyey weerarkii xerada Ceel-baraf

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 5, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

    “Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” Sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud Stéphane Dujarric.

    Warsaxaafadeedka ayaa intaas sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya. Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.