Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xubnihii ugu badnaa ee dakhli ururinta u qaabilsanaa argagixisada oo qabtay
    Puntland

    Xubnihii ugu badnaa ee dakhli ururinta u qaabilsanaa argagixisada oo qabtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 18, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish.

    Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso.

    “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

    “Wallaahi habeenkii ma seexdo, waxaan la seexan waayay waa shacabka oo qofkii ay ka shakiyaanba isku duubaya oo qabanaya, si uusan u baxsan markaasina kuu soo sheegaya, waxaana idin sheegayaa shaqada aan qabano badankeeda in ay iska lee yihiin shacabka oo aan uga mahadcelinayo” ayuu sii raaciyay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

    Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli uu magaalada Boosaaso ka socdo hawlgal xooggan oo ka dhan ah xubnaha kooxda Argagixisada ah ee Daacish u qaabilsan dhaqaale ururinta iyo qaraxyada ay ka sameeyaan magaalada kuwaasi oo badankooda gacanta lagu dhigay, sida uu sheegay G/sare Cabdiqaadir Dirir.

    Booliska Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.