Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xuutiyiinta oo Weeraro ku ekeeyay Sacuudiga
    Somalia

    Xuutiyiinta oo Weeraro ku ekeeyay Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda maanta weeraro isugu jira gantaallo iyo drone oodda kaga qaaday Sacuudiga kuwaas oo beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku jiraan xarumo laga soo saaro shidaalka iyo kuwa lagu nadiifiyo, sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga.

    Weerarada ma aysan sababin wax khasaare ah, balse waxay waxyeeleyeen baabuur shacab iyo guryo, ayey yiraahdeen xulufada militari ee Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen.

    Duqeymaha ayaa yimid ayada oo shirkadda Sacuudiga ee Aramco ay maanta ku dhowaaqday in macaashkeeda sanadkii 2021 uu sare u kacay 124%, oo uu gaaray 110 bilyan oo dollar.

    Aramco ayaa warbixinteeda dakhli sii daysay toddobaadyo kadib markii uu billowday duulaanka Ruushka ee Ukraine, kaasi oo gilgilay suuqyada shidaalka ee caalamka, sarena u qaaday qiimaha.

    Yehia Sarie, oo ah afhayeenka Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ayaa sheegay inay “howlgal militari oo baaxad weyn ku qaadeen bartamaha Sacuudi Carabiya,” Axadda maanta ah, ayaga oo gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye laheyn oo bambooyin laga buuxiyey ku buugsaday goobo ay leedahay Aramco iyo “bartilmaameedyo kale oo xasaasi ah” oo ku yaalla dalkaas.

    Waxa uu weerarka ku qeexay mid looga aargudanayey “gardarrada iyo xanibaadda” Sacuudiga uu hoggaamiyo ee ka dhanka ah Yemen.

    Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa sheegay in in weerarada cirka ee Xuutiyiinta lagu beegsaday goobo kala duwan, oo ka mid yihiin; warshad gaaska lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay dekadda ku teedsan Badda Cas ee Yanbu.

    Waxaa sidoo kale la beegsaday xarun korontada laga dhaliyo oo ku taalla koonfurta galbeed ee dalkaas, warshad gaaska lagu nadiifiyo oo ku taalla Al-Shaqeeq oo ku teedsan Badda Cas, xarun ay Aramco ku leedahay magaalada Koonfureed ee ku taalla xuduudda ee Jizan, iyo xarun gaaska lagu iibiyo oo ku taalla magaalada Khamis Mushait.

    Ma cadda weli heerka waxyeello ee weeraradan ay gaarsiiyeen xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta Sacuudiga.

    “Ma jiraan wax dhaawacyo ah ama dhimashooyin ah, mana jiraan saameyn ay weeraradan ku yeesheen in shirkadda ay badeecaddeeda gaarsiiso macaamiisheeda,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Aramco Amin H. Nasser.

    Weerarada ayaa yimid maalmo kadib markii Golaha Iskaashiga Khaliijka ay dhinacyada ku dagaalamaya Yemen ku casuumeen wada-hadallo ka dhacaya Riyadh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka – casuumaddaas oo ay ku gacan sayreen Xuutiyiinta, kuwaas oo dalbadaay in wada-hadallada ay ka dhacaan dal dhex-dhexaad ah.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.