Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa hogaaminayay Gulufka ilaa hada fashilan Ee Ruushku ku qaaday Ukrain ?
    Somalia

    Yaa hogaaminayay Gulufka ilaa hada fashilan Ee Ruushku ku qaaday Ukrain ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 3, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa todobaad ka hor duullaan aad looga digay ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine oo ku eedeeyay inuu ku yahay khatar amni.

    Duullaanka Ruushka ayaa waxaa ka dhashay cunaqabateyn ballaaran oo uga timid dalalka Galbeedka, isla markaana dhalin karta saameyn dhaqaale oo ballaaran.

    Dagaalka uu Putin ku qaaday Ukraine ayaa u muuqda mid uu muddo qorsheynayay, ujeedkiisuna yahay inuu meesha ka saaro xukuumadda Kyiv ee taabacsan Maraykanka iyo xulafadiisa.

    Hase yeeshee sideed maalmood kadib, Ruushka weli ma uusan qabsan caasimadda Kyiv, waxaana uu iska caabin xooggan kala kulmay ciidamada Ukraine.

    Khasaare xooggan ayaa xukuumadda Moscow ka soo gaaray dagaalka, waxaana sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka todobaadkii ugu horreeyay duullaanka uga dhintay ku dhawaad 500 oo askari.

    Hadaba waa kuwee saraakiisha dajisay qorshaha duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine?

    Putin ayaa qorshaha iyo fulinta duullaanka ku aaminay rag aad ugu dhaw oo sanado badan ka tirsanaa laamaha ammaanka ee waddankiisa. Waxaa kamid ah:

    Ruushka, Sergei Shoigu

    Sergei Shoigu, wasiirka gaashaandhigga
    Waxaa marar badan lagu tilmaamay inuu yahay gacanta midi gee Putin, isagoo ku wehliyay safarro iyo ugaarsi uu Madaxweynaha u aaday meelo kala duwan.

    Gudaha Ruushka, Sergei Shoigu ayaa lagu amaanay guulihii milateri ee uu Ruushka gaaray markii uu la wareegay gobolka Crimea sanadkii 2014.

    Waxa uu ahaa taliyaha hay’adda GRU ee milateriga Ruushka u qaabilsan sirdoonka, taasoo lagu eedeeyay sumaynta rag ka soo horjeeda Putin oo uu kamid yahay hogaamiyaha mucaaradka Alexei Navalny.

    Valery Gerasimov, taliyaha ciidamada Ruushka
    Waa jenaraalka loo igmaday inuu fuliyo dagaalka Ukraine, waxaana uu muddo ku hawlanaa diyaarinta ciidamada iyo dhoola-tuskii uu dhawaan Ruushka ka sameeyay Belarus.

    Dowr weyn ayuu ka ciyaariyay ololaha ciidan ee Madaxweyne Putin, waxaana uu ku soo caan baxay hogaaminta dagaalkii uu Ruushka la galay jabhaddii Chechnya 1999.

    Janankan oo lagu tilmaamo mid aan “qoslin” ayaa dowr muhiim ah ka ciyaaray qabsashadii gobolka Crimea.

    Warar ayaa sheegaya in hadda uu wajahayo cadaadis ku aaddan sida ciidamada Ruushka ay ugu guuldaraysteen inay jebiyaan xooggaga Ukraine.

    Nikolai Patrushev, xoghayaha golaha ammaanka Ruushka waxa uu kamid yahay saddexda nin ee aadka ugu dhaw Madaxweyne Putin, isla markaana ay soo wada shaqeeyeen tan iyo 70-meeyadii.

    Labada sarkaal ee kale ayaa ah; Alexander Bortnikov oo ku magacaaban taliyaha laamaha ammaanka iyo Sergei Naryshkin, madaxa sirdoonka dibedda.

    Waxa ay Putin ka soo wada shaqeeyeen hay’addii awoodda badnayd ee KGB, waxaana uu Nikolai Patrushev madax ka noqday hay’adda ka dambeysay ee FSB mudadii u dhaxaysay 1999 ilaa 2008.

    Nikolai Patrushev ayaa la sheegay inuu kamid yahay ragga Putin kula taliyay inuu aqoonsado labada gobol ee gooni u goosadka ka ah Ukraine.

    Alexander Bortnikov, agaasimaha hay’adda FSB
    Dadka la socda Kremlin oo ah aqalka looga arrimiyo Ruushka ayaa ku tilmaamay Alexander Bortnikov mid aad ugu dhaw Putin, isla markaana u gudbiya xogta ugu badan.

    Waxa uu ka soo shaqeeyay xaruntii KGB ee Leningrad, kadibna waxa uu madax u noqday FSB markii uu ka tegay Nikolai Patrushev, oo labaduba kamid ah ragga ugu dhaw Putin.

    Naryshkin Sergei Naryshkin

    Sergei Naryshkin, agaasimaha sirdoonka dibedda (SVR) Waa sarkaal muddo badan ka ag dhawaa Putin, kana mid ah saddexda nine e uu aadka ugu kalsoon yahay Madaxweynaha Ruushka.

    Balse waxaa aad loola yaabay in Putin uu si adag oo weliba ceebayn ah ula hadlay kulan dhawaan uu yeeshay golaha ammaanka ee Ruushka loogana hadlayay arrinta Ukraine.

    Hay’adda uu madaxda u yahay ayaa Putin u ah indhaha iyo dhegaha waxa ka socda caalamka intiisa kale, gaar ahaan xilligan uu ku jiro dagaalka Ukraine.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.