Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa ka danbeeyay Dilka Gabadhii Somaliyed Ee Kenya?
    Somalia

    Yaa ka danbeeyay Dilka Gabadhii Somaliyed Ee Kenya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 19, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilkii gabar Soomaali ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

    Najma Cabudllaahi oo 19 sano jir ahayd kana soo jeedda magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Jimcihii la soo dhaafay la heley meydkeeda, kaddib toddobaad la weysanaa.

    Kahor inta aan la weynin, keliya toddobaad ayay Najma ku sugneyd Mombasa, iyadoo la nooleyd walaasheed, waxaana loo maleynayaa in kuwa afduubtay ay dhulka ku jiideen.

    Salma Axmed oo ah agaasime ku xigeenka ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Haki Afrika ee dhisan Kenya ayaa sheegtay in ururkooda ay soo gaareen cabashooyin la xiriira tahriibinta dadka.XAYEYSIINhttps://01e181c901caf2b68111a07bf2e33a2c.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

    “Waxaa ina soo gaaray cabashooyin ah in dad loo tahriibiyay dalalka sida Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen iyaga oo aan ogeyn. Tusaale ahaan waxaa jira afar haween oo loo ballan qaaday shqooyin dibadda ah sida Sacuudiga, waxayna arkeen iyaga oo ku sugan Soomaaliy.”

    Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

    Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.

    Qofka laga shakisan yahay ayaa la sheegay inay u baxsatay magaalada Eldoret, isla maalintii la waayay Najma, iyadoo la sheegay inay dhuumaaleysi ku jirtay kaddib markii ay ka war heshay in baarayaashu ay ku raad joogaan.

    Mrakii dambe waxaa laga soo qabtay magaalada Kangundo, xilli ay isku dayeysay inay u baxsato magaalada Nairobi, maalin kaddib markii xaafadda Dongo Kundu bypass laga helay Najma oo miyir daboolan.

    Najma ayaa mar dambe isbitaal ku yaalla magaalada ugu geeriyootay dhaawacyo kaga yaallay madaxa, wejiga iyo dhiigbax gudaha ah.

    Ifraax Cabdullaahi oo ah Najma walaasheed ayaa sheegtay in la waayay xilli fiidnimo ah abbaarihii 7.20 am, telefoonkeeduna uu dansanaa.

    Weli ma cadda halka lagu hayay Najma muddadii saddexda maalmood ahayd ee la weysanaa, balse goobjooge ayaa booliiska magaalada Mombasa kala shaqeynaya in la soo helo dadkii ka dambeeyay afduubkeeda iyo dilkeeda.

    Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxay dugsiga sare, ayaa ugu dambeyn meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.

    Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.

    Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u sheegay in “gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen, ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay”. Halkaas waa meesha ay qoyska ka heleen.

    “Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo kellida”, ayuu yiri Xasan bashiir.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Rival Foreign Powers Accused of Fueling Propaganda War Targeting Puntland

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.