Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa ka danbeeyay Dilkii Madaxweyne Lumumba?
    Somalia

    Yaa ka danbeeyay Dilkii Madaxweyne Lumumba?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 5, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii dalka Koongo Patrice Lumumba Oo Safar Dibada ah kasoo laabtay ayaa la qabtay oo la xiray,markii dambena la dilay Novemebr 17, 1962.

    Lamumba wuxuu ka soo horjeestay danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ka lahayaen dalkiisa oo hodan ku ah macdanta Yuraaniyam-ta .

    Sanadkii 2010-kii ayay wax walba kala cadaadeen Kadib markii haweeney layiraahdo Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilkii Lamuumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay.

    Daphne Park markii la dilayey madaxweyne Lamumba waxay ahayd qunusulkii iyo xoghayihii koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalka Koongo ,iyadoo ka sheekaynaysa sababtii loo dilay madaxweyne Lamumba waxay tiri sidan .

    ” Waxaan ogahay in la joogo waqtigii aan dhiman lahaa sidaas darteed Maanta waxaan sheegayaa oo iska reebayaa dhacdo weyn oo aan in badan qalbiga ku haystay,Waana hawlgalkaygii ugu weynaa ee aan fuliyey ,Madaxweyne Lamumba wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo markaas soo kacay oo Caqli badan.

    Madaxdii afrika ee xiligaas wuu ka aragti dheeraa sababtoo ah isagu aqoon ayuu lahaa,taas ayaana keentay inuu kasoo horjeesto Danihii ingiriiska iyo maraykanka.

    Sababta aan u dilnay waxay ahayd gobolka ay ku badan tahay macadantu inuu Ruushku nagala wareego. Haddii taasi dhici lahayd xiligaas waxaa soo xirmi lahaa dhamaan danaheena iyo kuwii aan isku ujeedka ahayn Maraykanka iyo Bilgamka.

    Aniga ayaa la ii xil saaray Shiqoolka dilkii Lamuumba ,mudo ayaana diyaarinayey qorshaha,wuxuu ahaa hogaamiye feejigan,in mudo ah ayaan sugayey inuu safar dibada ugu baxo,fursadaas ayaana ka faaiidaystay,waxaana ka horkeenay kuwii ugu dhowaa Walaalihiis .

    Waan Xasuustaa Maalintii la dilayey,aad ayuu u dagaaamay wuu diiday inuu is dhiibo,wuxuu codsaday intaan la dilin inuu warqado u qoro Xaaskiisa iyo labo nin oo kale iyagana markii dambe la dilay.

    Lamumba isagoo gacmaha ka xiran ayuu oranayey ma doonayo qof ila dhiig ah inaan gacantiisa ku dhinto, ee iigu yeera haraadigii gumaysiga ee idin soo dirsaday iyagu ha i dileelne,Lknse anigaaba Qorigaa keebkiisa hayey ! Dhawr talaabo ayaan isaga u jiray markii la tooganayey .

    Maalintaas aan shirqoolka Dilkiisa hogaaminayey waan ku faraxsanaa Dhimashadiisa ,Lknse maanta kuma faraxsani wixii aan xiligaas sameeyey,wuxuu ahaa qof aan dib loo helayn.

    Waxaan Xasuustaa Wejigiisii Dhalaalayey,iyo ookiyaalaha oo uu Sanka saaran jiray iyo Go’aamadiisii ku Midabaysnaa Afrika oo xor ah iyo Koongo oo barwaaqo ah.

    Lamumba Wuxuu ahaa Geesi Da’yar oo ay Sanad iyo dheearaad ka Seexan waayeen Ingiriiska ,maraykanka iyo Bilgamku,Wuxuu Rajo weyn ka qabay inuu Dadkiisa ka saaro Mugdiga Jahliga iyo inuu Koongo ka saaro Shisheeyihii Doonayey Khayraadka Koongo, Lknse Annagaa Dilnay oo beeninay Riyadiisii .

    Maanta anigu Lamumba waxba uma qaban karo Lknse waxaan sheegayaa wax Amaan ka badan oo weligii lagu xasuusan doono oo maanta kadib isaga Taariikhda u gelaya ,Wuxuu dhintay isagoo aan baqayn oo Rasaasta Laabta u dhiganaya isagoo oranayey waxaan ku dhimanayaa Sharafka iyo Karaamada Koongada Weyn ee Xorta ah .

    Aniga iyo Lamumba waxaan nahay labo Halyey,Lknse waxaan ku kala duwanayn anigu waxaan haystay dawlad kuligeed garab igu siinaysay ujeedkii aan u socdey,Lknse isaga Saraakiishii Dawladiisa iyo kuwii ugu dhowaa ayuu garab ka waayay oo qayb ka qaatay Shirqoolkiisa ,Lamumba oo kale Dib dunidan looga heli maayo “

    Dophne Park Markii ay Warkan shaacisay ,waxay geeriyootay Bil kadib .

    Xigasho…..Faarax Saciid Barre.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.