Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Yaa ka masuul ah dayaca Adeega Ciidanka Badda PL?
    Puntland

    Yaa ka masuul ah dayaca Adeega Ciidanka Badda PL?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa jirta cabasho ka imaanaysay gudaha Ciidanka Badda PL,taasoo ku salaysan Laba Qodob oo kala ah….

    1.Adeega Cuntada Ciidanka.
    2.Adeega Caafimaadka Ciidanka.

    Cabashadaas,waa dabagalay,waana soo xaqiijiyay in ay jirto oo xaqiiq tahay.

    Ciidanka Badda,waxay leeyihiin adeeg Caafimaad oo markii Askari dhaawacmo waxna looga qaban waayo gudaha Wadanka dibada loogu qaado.

    Adeegaas,waa la dhexgalay oo waxaa lagu soo koobay in Askariga la siiyo $5000 oo ka imaanaysa min $10 oo laga jaray Askarta kale Mushahaarkooda.

    Waxaa ugu danbeeyay Askari Labada Indhood dhaawac ka gaaray hawlgalladii Garowe xilligii doorashada oo loo qaaday Hindiya,balse dhaqaale yari darteed la qali waayay oo ugu danbayna ugeeriyooday dhaawacaas.

    Sidoo kale Ciidanka,waxay leeyihiin adeeg Cunto oo sareeya,kaasna,waa la dhexgalay oo waxaa la macno tiray Cuntadii qiimaha lahayd ee lasiin jiray Askarta.

    1.Subixii Xabad Rootiya iyo Koobshaaha,ayaa la siiyaa.

    2.Duhurkii Bariis Caano leh ama Bariis waxyar oo Suqaar ah saaran yahay,ayaa la siiyaa.

    Cabashadan,waxay bilaabatay markii Agaasimaha Ciidanka loo dhiibay Wiilka Deni ay ilma Adeerka yihiin ee Cabdirabi.

    Lama cadayn karo in MW Deni la og yahay oo uu ka Gows haysto iyo in isaga ay ku kooban tahay farataysiga adeega Ciidanka.

    Ciidanka Badda PL ma’ahan mid la dayici karo,waa awood macno uleh Dowladnimada.

    5000-Askari oo tababaran,qalabaysan oo Dowliya in la niyad xumeeyo khatar ayay keenaysaa.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.