Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa Masuul Ka Ah Is af-garan Waaga Dhexmaray Maamulka Puntland iyo shacabka Bosaso?
    Somalia

    Yaa Masuul Ka Ah Is af-garan Waaga Dhexmaray Maamulka Puntland iyo shacabka Bosaso?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shacabka Puntland wuxuu rumaysan yahay in aanay jirin cid hortaagan mashruuca horumarineed oo Puntland laga hirgalinayo haddii aanay caqabado kale jirin.

    Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa jiray Magaalada Bosaaso buuq hareeyay oo ku saabsan ballaarinta dekedda Bosaso oo sabababay in howshii hakad gasho, sababaha soo socda Dartood.

    1. Ugu horrayn goobta wax laga dhisaayo shacabka deriska la ah maamulka Puntland waa dhayal-saday wax shirar iyo wacyi gelin midna lama yeelan, si loola socod siiyo ahmiyadda Mashruucu u leeyahay dalka iyo dadka Puntland. Arrintaasna eedeeda waxaa la saaray Madaxda dowladda Puntland oo dareenkaasu ka maqnaa. In aan (timir ba laf laga filan) dadka degaanka ku leh dhulka dekedda ku soo luga fidsanayso oo aan la qadarin.
    2. Qorshaha howl fulinta waxaa laga bilaabay meel qaldan markii laaluush wadareed sharafta lagaga qaaday hay’addii sharci dejinta taasoo shaki gelisay shacabka.
    3. in Bixinta lacagta lagu soo qaaday magaca dekedda Bosaso, lagu bilaabay Garoowe, Mudug, iyo Wadada Ceel-daahir.
    4. In lacagtii la keenay magaalada Bosaso loo gacan geliyay dad qaab dalaaliin u dhaqmay qabqablayaasha maamulka Puntland oo shacabkii u kala qaybiyey kuwo dowladda la jira iyo kuwo ka soo horjeeda, iyadoo lagu qanciyay madaxweynaha inay jiraan taageerayaal mashruuca iyo kuwo ka soo horjeeda taasoo xaqiiqda ka fog.
    5. Waxaa kaalin firfircoon ka qaatay is-hortaaga mashruuca nimanka loo yaqaan arbaabyada doonyaha soo kiraysta oo u arkay in qorshuhu lid ku  yahay danaysiyadooda.
    6. Ganacsatada wax ka dhoofsata iyo kuw kala soo dega oo isu kaashaday inau shirkadda DP World joojinayso naas nuujinta ayku haystaan howl fududeynta iyo tashiilaadka qaabka loola macaamilo markii ay ogaadeen shuruudaha adag ee ka jira dekedaha ay maamusho DP World.
    7. Qayla dhaanta culayska ka soo yeeray Dekeda Berbera markii lagu wareejiyey 2 bilood ka hor shirkadda DP World oo didisay ganacsatadii iyo xamaaligii.
    8. Saxaafadda (mediayaha) oo ka soo tebieye dekedaha laga eryay DP workd ee Cada iyo Jabuuti iyo Berbera oo xaalkeeda taagan yahay ayaa xaalada sii iftiimiyey.
    9. Mudada 30 sann ah oo aad u badan iyo howsha la sheegay naqshada ay ka fulinayaan oo aan isu-dhigmin.
    10. Lacagtii laga qaaday shirkadda oo aan bankiga dowladda lagu shubin.
    11. Heshiiskii oo aan shacabka loo soo bandhigin, oo dad badan lagu yiri inay jiraan qodobo sir ah oo aan si toos ah loo cadayn.
    12. Dowladda Puntland oo uu ka maqan  yahay  dareenka culayska saxaafadda ku leedahay qancinta iyo jiheynta bulshadda taaso aan lahayn wargeys ama idaacad afkeeda ku hadla, TVga Puntland mooye.
    13. Madaxda dowladda Puntland oo u badan qurba joog aan la jaanqaadi karin wadciga iyo fekerka bulshada oo qaarkood yasaan Fekerka bulshada.

    Xigasho: Kaahabari

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.