Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yariisoow xilalkii ka qaaday agaasimayaal iyo farsamo yaqaano
    Somalia

    Yariisoow xilalkii ka qaaday agaasimayaal iyo farsamo yaqaano

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.
     
    Dhulkan oo ahaa waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Dharkiinleey, waxa ay laamaha baarista dhulka ee gobolka Benaadir ay soo xaqiijiyeen in si sharci darro ah ay dhulkan u soo cabireen shaqaalaha shaqada laga joojiyey.
     
    Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu xilka la wareegey digreeto ku joojiyey dhismayaal dhulkan ah, iyadoona baaritaanka lagu ogaaday in Agaasimaha Waaxda Farsamada ee shaqada laga joojiyey iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waxdaas ay soo gudbiyeen warbixin ay ku musuq maasuqayaan dhulkan.
     
    Eng.Yariisow ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha musuq maasuqa dhulka iyo bixinta ruqasadaha sharci darrada ah, taas oo asaas u ah qorsheyaasha Maamulka Gobolka ee ka dhanka ah musuq maasuqa.
     
    “Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan dhulka loo cabirayo ama laga iibsanayo iyo sharciyada loo jarayo ka hor inta aysan maalgashan, si ay uga hortagaan ciqaab iyo ganaax ay ku muteysan karaan maalgashiga dhulka danta guud.”
     
    Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanayaashan, taas oo horseedaysa guula laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo eexda.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.