Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yariisow oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga (Sawirro)
    Somalia

    Yariisow oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Turkiga (Sawirro)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 11, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan gaar ah magaalada Masqad ee dalka Cumaan kula yeeshay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mudane Numan KurtulmuลŸ.

    Eng, Yariisow ayaa uga mahad celiyay wasiirka Mashruucyada hormarineed oo dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna is weydaarsadeen arimo ku saabsan dhaqanka iyo dalxiiska labada dal.

    Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mundane Numan KurtulmuลŸ ayaa balanqaaday in wasaaradiisa ay fiira gaar ah u yeelan doonto dib usoo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aad u qurux badan oo ku haboon dalxiiska.

    Magaalada Masqad ee dalka Cumaan waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo looga hadlayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

    Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan goโ€™an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.