Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yemen: In ka badan 50 askari oo lagu dilay weerar ka dhacay xero militeri
    Somalia

    Yemen: In ka badan 50 askari oo lagu dilay weerar ka dhacay xero militeri

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weerar xoog leh oo kooxda xuutiyiinta ay ku qaadeen xero militeri oo ku taalla dalka Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay ku khaarijiyeen in ka badan 60 askari, tobanaan kalena ay dhaawacmeen sida uu baahiyay telefeshinka Al-Ekhbariya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

    Xerada militeri ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa magaalada Maarib ee dalka Yemen, iyadoona weerarka la xaqiijiyay in loo adeegsaday gantaallo iyo dayaarado aan cidina wadin.

    Dowladda Sucuudiga ayaa ku eedaysay weerarkan in Xuutiyiinta ay ku garab siisay dowladda Iran.

    Sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa xukunka ka tuurtay dowladdi uu caalamku aqoonsanaa, waxayna la wareegeen caasimada dalkaas ee Sanca iyo inta badan waqooyiga wadanka Yemen.

    Sucuudiga oo hoggaan ka ah isbaheysiga la dagaalanka Xuutiyiinta ayaa si joogto ah weerarro khasaare gaysta kala kulma kooxaha Xuutitiyiinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.